Xarunta Madaxtooyada Somaliland oo caawa laga Xusay 26 June iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay
Hargaysa 26.June (SDN) Munaasibad lagu Weynaynayo 53 Guuradii ka soo Wareegtay Markii ay Jamhuuriyada Somaliland Xoriyadeeda ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska 26kii June 1960 kii ayaa Caawa ka qabsoontay Xarunta Qasriga Madaxtooyada .
Munaasibadan Waxaa ay fanaaniinta Qaranku ku soo bandhigeen Masrixiyad ka Turjumaysa halgankii Gobonimo doon iyo is raaci dhex maray Somaliland iyo Somalia kaas oo fashiliyay Midnimadii la rabay inay dhex marta Shantii Soomaliyeed ee Gumaystuhu kala Qoqobay.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyay Furitaankii Munaasibadaas ayaa ka waramay sidii ay ku timid Xornimadii ay Somaliland ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriisku waxa uu Madaxweynuhu Sheegay in Burburka midnimadii dhalatay iyo Yididiiladii laga qabay Somaliweyn ay la kowsatay Israacii 1960 kadib markii ay Somalia diiday inay ixtiraamto wadaagga dawladdii ka dhalatay midnimadii cusbayd, Isagoo Intaas ku daray in Jamhuuriyada Jabuuti markii ay aragtay sida loogu hungoobay Midnimadaas ay samaysteen Qarankooda.
Mudane Siilaanyo waxa uu Xusay in dib ula soo Noqoshada Madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland ay ku qotonto Masiir iyo aayo ka Tashi Ummadeed oo cid wax ka bedeli kartaana aanay Jirin.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com