|

Xarunta Bisha Cas Ee Iiraan Kuna Taalla Magaalada Muqdisho Oo Boob iyo Dhac Loo Gaystay

Ciidamada NISA oo xoog ku galay safaaradda Iiraan ee Muqdisho …

www.ruugcadaa.com500 × 276Search by image

Ciidamada nabadsugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoog ku galay dhismaha xarunta safaaradda Iiraan ee ku taala magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ka …
Images may be subject to copyright.Send feedback
Muqdisho,12Jan,2016(QJ/SDN)-Dad  shacab ah oo gadoodsan ayaa xoog ku galay xarunta hay’adda Bisha cas ee taabacsan dal waynaha Iiran,kadibna waxa y dhac u gaysteen wixii xaruntaasi yaallay iyagoo  ku hubaysan qoryaha AK47-ka.

Hayaddan oo ay dhawaan nabad sugida Somaliya ku eedaysay inay dalka ku fidinayaa Mad-habta shiicada ayaa saaka mudaharaad laga hordhigaya lagaga soo horjeedo dalka Iran.

Dad goob joogayaal ah ayaa shabakada Tooshnews u sheegay in qofkasta oo xarunta galaa ka qaadanayay wixii gacantiisu qaadi karto ee markaasi xarunta gudeheeda yaallay.

Wararka ayaa sheegay in ciidamada booliska Somalia goor dambe soo gaadheen goobta iyagoo kala didiyay dadkii goobta ku sugnaa balse waxba kama qaban dadkii alaabta kala baxay xarunta gudeheeda.

Hayaddan bisha cas ayaa tan iyo sannadkii 2011 kii ka hawl galaysay dalka Somalia,iyadoo wakhtigaasi u soo gurmatay macaluushii saamaysay koonfurta Somalia.

Dalka Somalia ayaa dhawaan sheegay inuu xidhiidhkii dimblomaasiyadeed u jiray dalka Iran,isagoo masuuliiyinta Iran ee ka jooga u qabtay inay dalka kaga baxaan muddo 72 saacadood guhood ah .

Comments are closed