|

Xarun Qurbejoog Mareykan ah oo taageertay in Puntland Xiriirka u goyso Dawlada Dhexe

Minneapolis Aug 08,20,13(SDN)-Xarunta Somali American Engagement ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku taageereen goaankii ay Puntland xiriirka uga goosatay Dawlada Dhexe ee Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

“Xaruntu waxa ay yaqiinsan tahay in Soomaaliya ay haatan ku jirto marxalad imtixaan iyada oo dawlada dhexena ay ku guul darysatay ku dhaqanka Dastuurka dalka iyo in ay bulshada u fidiso adeegyadii aasaasiga ahaa”ayaa lagu yiri qoraalka.

Xaruntu waxa ay beesha caalamka ka codsatay in ay arinka soo faro geliso bacdamaa aan dalka lagu aamini kareyn (isir) keliya Al Shabaab iyo Damul Jadiid ayaa qoraalka lagu yiri .

Xarunta Somali American Engagement waxa ay Beesha Caalamka oo ay hogaaminayaan reer Yurub, Mareykanka iyo AMISOM ka codsadeen in culeys la saaro Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu u ixtiraamo Dastuurka dalka.

SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed