|

Xarun caafimaadka deg dega ah oo Muqdisho laga furay

Muqdisho October 29, 2024(QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta furay Xarun lagu daweynayo dhaawacyada oo lagu kordhiyay Isbitaalka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Madiina.

Wuxuu xusay in maamulkiisa uu hirgeliyay xarumo dhowr ah oo ay ka mid yihiin keydka dhiigga oo dib u habeyn lagu sameeyay oo markii ugu horeysay dib loo furay iyo xarunta gurmadka. Wuxuuna ku nuux-nuux saday inay ka go’an tahay dhamaystirka iyo qalabaynta cisbitaalka ciidamada.

Xaruntan cusub oo kharashka ku baxay ay ku deeqeen shacabka Soomaaliyeed qaraxii Soobe 2 ka dib ayaa waxa ay ka kooban tahay qeybaha daryeelka bukaanka, hooyada iyo dhallaanka. Waxay si weyn kor ugu qaadi doontaa awoodaha wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahadceliyey Guddiga Gurmadka Qaran oo si hufan u maamulay lacagahaasi, waxa uuna tilmaamay doorka ay xaruntu ku leedahay daryeelka caafimaad ee askarta iyo dadka rayidka ah ee ay saameeyeen iska horimaadyada ay la leeyihiin kooxaha xagjirka ah.

Comments are closed