Xarun Caafimaad oo Turkigi Muqdisho ka furay oo la weeraray
Muqdisho Dec 06,2011(qurbejoog.com)-Xarun caafimaad oo dawlada Turkigu ka fureen magaalada Muqdisho ayaa xili saqdii dhexe ah waxa weeraray koox meliishaad ah oo aan la garan heybtooda.
Dad goobjoogeyaal ah oo ku sugnaa aaga xaruntu ku taal ayaa sheegay in weerarka ay ku geeriyoodeen mid ka mid ah ilaaladii xarunta.
Xaruntan oo k utaal xaafda Wadajir ee magaalada muqdisho ayaa waxa lagu caawiyaa dadka macluushu soo rigatay ee maciinka soo biday Muqdisho.
Meeliishaadka weeraray xarunta oo la sheegay in tiradoodu aheyd ilaa afar ayaa ku hubeysnaa qoryaha fudud iyo walxaha qarxa.
Dhawr ruux oo ka mid ahaa dadkii halkaa lagu dabibayay ayaa dhawaacyo fududi soo gaadheen.
Ciidamada dawlada oo goobta gaadhay ayaa xaadafaha baaritaan ugu dhaqaaqay aaga weerarku ka dhacay,mase jirin cid weerarka loo qabtay.
Qurbejoog-Muqdisho