Xarumo taariikhi ah oo Muqdisho ku yaal oo Ra’isal Wasaare Cabdi Wali uu Xidhmooyin ubax ah dhigay
Muqdisho 01.July 2014 (SDN/QJ)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed, ayaa maanta ubax dhigay xarrumo taariikhi ah oo ku yaala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha oo salaan ka qaatay ciidamada Bambeyda ayaa dhagax dhigay taalooyinka Sayid Maxamed Cabdule Xasan, Xaawo-Taako, Dhagaxtuur , SYL iyo taaladda Daljirka dahsoon kuwaasoo calaamad u ah gobonimada Soomaaliya.
Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka qeyb galay banaanbax lagu weynaynayay munaasabadda maalinta 1-da Luuliyo kaasoo lagu qabtay fagaaraha Daljirka dahsoon ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo la hadlay boqolaal dadweyne ah oo ka qeyb galay banaanbaxa ayaa shacabka ku booriyay in ay qaataan mid la mid ah go’aankii dhaliyaraddii SYL.
Cabdiweli oo ka hadlayay howlgaladda lagu sifeynayo kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in magaalooyin badan laga saaray isagoo intaas raaciyay dowladu in ay ka go’an tahay in la soo afjaro dhibaatada ay ku hayaan shacabka.
Bananbaxa ayaa wuxuu gunaanad u ahaa dalbaaldegyada loo sameynayay maalmahan xorriyada.
Fanaaniinta qaranka oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Maxamud Cabdullahi Sangub, Maxamed Axmed Qoomaal, iyo qaar ka kale oo ka mid ah fanaaniinta ayaa fagaaraha Daljirka ka qaaday heeso wadani ah iyagoo sidoo kale halkaas lagu soo bandhigay majaajilo, gabayo iyo Shirib ka turjumaya maalmaha taariikhiga u ah Soomaalida.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com