Xarumihii Keydka Shirkadda Al-Xarbi Oo Xalay Dab Baabi’iyey
Burco:July,05,2014(SDN/QJ)-Waxa Gebi ahaanba Habeenkii xalay uu dab baabi’iyey Xaruntii Keydka Alaabta ee Shirkadda Ganacsiga ee Al-xarbi ku lahayd Magaalada Burco.
Goobta Dabku ka kacay ayaa ku taalla Badhtamaha Magaalada Burco, iyadoo Bakhaarka Gubtay ay ku Keydsanaayeen Alaabooyin Badan oo Iib Loo diyaariyey, kuwaas oo iskugu jirey Waxyaabaha Cabbitaannada, cuntooyinka, Bagaashka yaryar, Saliido, Dacas iyo Waxyaabo kale oo Dadka Isticmaali jireen.
Sida wararka sheegayaan Dabkaasi ma geysan wax khasaare Nafeed ah, balse waxa uu Gebi ahaanba Baabi’iyey Hanti Tiro badan oo goobtaas ku keydsanayd.
Ilaa iyo Haatan lama Garan karo Sababtii Dabkaas Dhalisay, waxana Bakhtiintiissa u gurmaday Shacabka Reer Burco, kuwaas oo Booyadaha biyaha uga soo kaxeeyey Riigagga Magaalada Hareeraha ka xiga, maadaama aanay Magaaladu lahayn wax Dab demis ah, marka laga reebo Hal xabbo oo kooban oo ay wasaaradda Duulistu leedahay.
Damdamiska Wasaaradda Duulista ayaa si xoogan uga Hawlgalay daminta Dabkaas inkastoo ay awooddiisu koobnayd, waxana Saacado badan kadib lagu guulaystay in la bakhtiiyo dabkii isagoo aan wali u gudbin dhismayaashii kale ee Hareeraha ka xigay.
Badhaasabka Togdheer Maxamed Muuse ayaa tilmaamay in mashaqadani ahayd mid aanay reer Burco hore uga diyaar garoobin isla markaasna shacabka ugu baaqay in ka tashadaan mashaqooyinka noocan oo kale ah sidii looga diyaar garoobi lahaa, waxa uu badhasabku xusay in mashadaqadani ahayd mid culus oo khatarteeda lahayd, haddii aan shacab iyo dawlad ba loo kicina khatar badan ku keeni lahayd goobtaasi oo dhan iyo xaafadaha ka ag dhow.
Dhacdadan ayaa ahayd dhacdooyinka dabka ka dhasha tii ugu weyneyd ee gobolka ka dhacda isla markaasna fashil intaas leeg uu ka soo gaadho maamulka degmada Burco.
SDN/QJ