Xarakada Al-Shabaab oo ka hadashay Burburkii diyaaradeed Ee Muqdisho ka Dhacay
Muqdisho:10-Aug-2013 (SDN)War kasoo baxay xafiiska Warfaafinta Xarakada dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee ku xidhan urur-weynaha Al-qaacida, ayaa lagu sheegay in hagar daamo Dowladda Ethiopia la damacsaneyd shacabka Soomaaliyeed uu Illaahey dib ugu celiyay iyaga.
Qoraal kooban oo lagu daabacay barta ay Shabaab ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu yidhi sidan: “Allaah wuxuu dib ugu celiyay cadawga Itoobiya hagar-daamo ay ladamacsananaayeen muslimiinta Soomaaliya”.
Al-Shabaab qoraalkeeda waxay sheegtay in wax Farqi ahi aan u dhaxaynin Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Dagaal Oogayaashii Hore ee ay Dagaalka la galeen.
“Xasan Sheekh iyo dagaal Oogayaashii Muqdisho maxay is dhaamaan,burbur iyo gumaad ay shacabka Muslimiinta Soomaaliyeed la rabeen Allaah ayaa iyaga ku celiyay” ayaa lagu yidhi qoraalka lagu daabacay barta Twitterka Shabaab.
Waa markii ugu horraysay ee Ururka Al-shabaab oo Dagaal Ba’an kula jira Dawladda Federalka ay ka Hadlaan Burburkii ba’naa ee Maalintii shalay soo Gaadhay Diyaaraddii Militari eek u soo Degaysay Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muwdisho.
Somalidiasporanews.com
Mugdisho/somaliya