Xaraaradii Khilaafka Xukuumadda iyo Axsaabta Oo Hoos u Dhacday iyo Kulan Ballaadhan Oo Maanta La Isku Arki Doono
Hargeysa:Sep,21,2014(SDN/QJ)-Waxa Hoos loo dhigay Xaraaradda Khilaafkii dhexyaallay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Labada Xisbi-mucaarid, kaas oo salka ku hayey arrimaha Diiwaangelinta Madaniga ah iyo xeerarka xukuumaddu kasoo saartay.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay kulan aqalka madaxtooyada kula qaatay Labada Hoggaamiye ee Xisbiyada waddani iyo Ucid, waxana la isla faaqiday halka ay sartu ka qudhuntay iyo siyaabaha dhinacyadu u arkaan in doorasho lagu gaadhi karo.
Kulankaas oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen, ayaa la sheegay inuu madaxweyne siilaanyo soo dhaweeeyey aragtida mucaaridka, isla-markaana u sheegay inaanu diidanayn doorasho dhacda, balse ay saluugsan yihiin soo jeedimaha mucaaridka iyo Buun Buuninta waxyaabo yar yar oo la dhamayn karo, waxaan mucaaridka uu ku dhiirrigeliyey inay dawladda ka daayaan dibin-daabyada oo ay ku garab galaan dedaalka ay ugu jirto Doorasho dalka ka qabsoonta.
Sida ay sheegayaan wararka xogogaalka ah ee ay helayso Qurbejoog.com, waxana dhinacyadu isku afgarteen in si wada jir ah loosooo afjaro khilaafka aloosan,isla-markaana la iskugu yimaaddo kulan ballaadhan oo lagu soo gunaanado is afgarashada taagan ee shacabka lagu jaahwareeriyey.
Sida ay wararku sheegayaan maanta ay loo ballamay in kulan dhinacyadu isku yimaadaan aqalka Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, iyadoo Halkaas lagu gunaanadi doono wixii khilaaf ah eek a taagan diiwaangelinta Madaniga ah oo axsaabta mucaaridku si weyn uga sooo hojeesteen qaabka xukuumaddu u waddo.
Kulankan ayaa la sheegayaa inuu madaxweyne-ku-xigeenku abaabuli doono, isla-markaanna ay hoggaanka sare ee Axsaabta qaranku si saraaxad leh ugaga dhawaaqi doonaan inay diyaar u yihiin inay xukuumadda kala shaqeeyaan hirgelinta diwaangelinta madaniga ah.
Lama Hubo inay labada Hoggaamiye ee axsaabta mucaaridku kasoo qaybgeli doonaan, balse waxa la sheegayaa inay aqbaleen in la dhameeyo muranka jira, isla-markaana halkaas lagaga dhawaaqo in is afgarasho laga gaadhay khilaafkii dhinacyada dhexyaallay.
Sidoo kale waxa ay wararku noo xaqiijiyeen in xeerka Diiwaangelinta ee xukuumaddu Golaha Geysay ay hoggaamiyayaasha mucaaridku Madaxweynaha kala hadleen sida ay u diidan yihiin, balse madaxweyne siilaanyo ayaa soo jeediyey inaan wakhti ku filani meesha oollin, sidaa darteedna Baarlamaanka looga baahan yahay inay wixii turxaan ah ka saaraan Meesha.
Sid kastaba ha ahaatee Yididiilada ka muuqata kala fogaanshihii mucaaridka iyo xukuumadda, ayaa sabab u noqon kara inay dalka ka qabsoonto doorasho labada dhinacba raalli ka yihiin, waxase aan la Hunin sida loogu heshiin doono xeerka Diiwaangelinta ee mucaaridku sida weyn uga soo horjeedaan, iyadoo wararka dhinaca mucaaridka ka jiraa Yahay in Goluhu u badan yahay Muxaafid aan saari doonin qoddobada muranku ka taagan yahay oo ay xukuumaddu meesha ku soo darsatay.
Maanta ayaa la filayaa in kulankaas dhici doono lagu soo afjaro khilaafkii dhexyaalay xukuumadda iyo labada Xisbi-mucaarid, waxana laga dhursugayaa waxyaabaha kasooo bixi doono oo lagu wado in Bulshada loosoo bandhigi doono.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com