|

“Xaqu Wuxu Kaa Jiraa Halka Dadku Kaa Jiro. Adoo caalim qaran ah, wadaad kooxeed haka dooran” Maxamed cali Bile

bileWaxa maalin dhaweyd warbaahinta la hadley wadaado talo ka bixinaya xeerka bangiyada ee uu ka doodayo barlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliland. Waxa ay wadaadadu sheegeen in xeerkaasi ay ku jiraan qodobo dhowr ah oo ka hor imanaya Shareecada Diinta Islaamka oo haddii lagu dhaqmo cawaaqib xumo keeni karta. Qodobada ay ka hadleen waxa ka mid ahaa, xeerka laga doodayaa inu jideynayo ribada iyo inu maalgelinayo mashruuc kasta isaga oo aan loo eegeyn inu yahay mashruuc wanaagsan ama xalaal ah iyo in kale.
Mabda’iyan waxa an qabaa in wixii dhaqanka iyo dadnimada iyo Diintaba u xun in dalka laga ilaaliyo, haddey furitaan bangi tahay iyo haddii ay tahay ganacsi kaleba. Waxa kale oo an qabaa in culimada arinkaa ka hadashey ay leeyihiin aqoontii iyo ixtiraamkii ay arintan oo kale wax kaga odhan lahaayeen. Kol haddaan intaa ka afeeftey, doodeydan marna yaan laga dhigin inan ribo difaacayo oo waan diidanahay Ribi iyo wixii la halmaalaba. Isla markaana doodeyda haka dhigin inan dhaliilsanahay aqoonta wadaadadu u leeyihiin Diinta iyo Shareecada Islaamka oo anigaaba kuu qirey iney labadaba aqoon u leeyihiin. Labadaa arin waan ka afeeftey oo hadalkeygan wey ka xidhanyihiin, doodna lagama geli karo. Afeeftaa ka dib, waxa an ka soo horjeeda wadaadada shirka jaraa’id qabtey sida ay u hadleen iyo dariiqa ay u mareen iyo hadafka ay u muuqatey iney ka lahaayeen. 5-tan qodob ayaanan ku diidanahay:

1. Horta wadaadadu intey aroor uun soo tooseen kamey dhiidhiyin Ribada ee waa dodo iyo arimo ganacsato iyo wadaadaba ka soo tashadeen oo ay ku hawlanaayeen muddo. Maaha uun wax lexejeclo wadaninimo keli ihi ku qaadey. 3 bilood ka hor ayaan la kulmey madaxda dalka u sareysa mid ka mid oo ii sheegey iney jiraan ganacsato wax ku leh bangiyada wadanka ka jira iyo wadaado dan ku leh oo isasoo abaabulaya oo doonaya iney dadka ku kiciyaan ka hortagga in bangiyo laga furo dalka. Waa saddex ama afar bilood ka hor xiligaa an ka hadlayaa, waana arin ay ka soo tashadeen dad dani ka dhexeyso ee maaha wax dalka iyo danta loogu hiilinayo. Marka an taa sii ogahay, een ogahay in abaabul ganacsato ka danbeyso socdey muddo dheer, shaki ayay I gelineysaa inan iminka maqlo shareecada ayaa loo hiilinayaa. Ninbaa laga hayey Isaxaaqa maan diidin, ee xaaqda ayaan diidey! Wadaadku waa muwaadin aniga oo kale ah. Dan ayuu leeyahay, dareenna uu leeyahay, kitaabkana waanu u simanahay. Qofku inu danta dalkiisa ka hadlana, xaq ayuu u leeyahay. Anigu bangiyada dalka ka jira wax kuma lihi, kuwa doonaya iney qaar cusub furtaana ma ihi. Xataa ma aqaano kuwa doonaya iney bangi cusub furtaan, ganacsadena ma ihi. Wadaadadase waxa loo tuhunsanyahay iney kuwaa aanan anigu aheynba ay ku jiraan. Uuma diidani oo ma lihi muxuu wadaadku ganacsi uugu jiraa oo isaguba waa muwaadin muwaadin xoogsanaya. Balse wax uu isagii qeyb ka yahay oo uu dano ku qabo, aqoon iyo aqoon la’aanba dhexdhexaad kama noqon karo.

2. Wadaadada hadalkoodu waxa uu u muuqday in waxa ay diidanyihiin aanu aheyn ribada oo keli ah, balse waxa ay diidanyihiin in bangiyo la furo sdieedaba. Hadda waa sida hadalkoodu u dhadhamayey. Haddii waxa ay diidanyihiin uu yahay ribada oo keli ah, waxa ay hadalkooda ku soo dari lahaayeen in loo baahanyahay in dalku yeesho bangiyo badan balse xeerka wax laga hagaajiyo, waxaana ay soo dhigi laheeyeen dariiqii bangiyo badan lagu furi lahaa. Maaha oo keli ah iney xeerka bangiyada diideen, ee xataa hadalka wadaadada waxa ku jirey xawaash badan oo ay arinka ku dareen, oo ay kaga hortagayaan in bangiba la furo. Hadalka deelqaafka ah ee ay wadaadadu ku hadleen waxa ka mid ahaa, iney yidhaahdeen bangiyada la inoo furayaa xataa khamriga wey maalgelinayaan. Waa hadal loogu talo galay iney caadifadda dadka lagu basbaaseeyo. Wadaadadu marna kamey hadal bangiyada dalka ka jira ee ribada toban jibaaran qaata balse kelmadaha afcarabiga ah lagu maxlalo ee la yidhaa iyagu “Muraabaxo” ayay qaataan. Ribadu maaha magaca oo ad bedesho ee waa sameynta ay amaahdu leedahay iyo culeyska ay ku heyso qofka wax la amaahiyey. Laba bangi oo labaduba amah bixinaya oo kii 2% qadayeyna xaaraan u noqdey waayo waa dulsaar, kii 13% qaadayeyna uu u noqdey xalaal noqdey waayo waa “Muraabaxo” oo ah kelmed afcarabi ah oo aan samaawi aheyn, maan garan.

3. Inaga oo dhami weynu ognahay in Ribadu xaaran tahay. Intii Diinta Islaamku jirteyna waa la ogaa, Ribaduna wax kasta oo nolosha khuseeya ayay soo geli kartaa. Waxa aanan fahmin waxa Ribadii Ilaahey inaga xaarantimeeyey ku soo ururiyey xeerka bangiyada. Baarlamaanka Soomaaliland dhowr boqol oo xeer oo hore ayuu ansixiyey oo midkasta ay ku jireen arimo Diinta Islaamka khuseeyaa, balse aan mar keli ah wadaado ka hadal. Waa maxay sababta Ribadii addunka oo dhan ku soo ururisey xeerkan ee wadaadku uuga damqadey. Ma danta dadka iyo dalka ayuu u damqadey, mise dantiisa ayuu u damqadey? Waxa dawladdu go’aamo ka gaadhey arimo badan oo ay ka midyihiin wareejinta haamaha batroolka, wareejinta guryaha dawladda, wareejinta shirkadaha leydhka, qaar kalena iney soo socdaan ayaa laga yaabaa. Anigu ma lihi wareejintani waa qalad iyo waa sax toona. Balse waxa an la yaabanahay sababta ay wadaadadu uuga hadli waayeen arimahaas. Arimahan an sheegey waa la ogyahay oo qaarkood dadka lagu wareejiyey wadaadada ayaa ka mid ah oo kama hadli karaan. Qaarkoodna mabey dareemin oo waaney khuseyn, balse arintan bangiyadu wey damaqdey.

4. Ribadu meel kasta oo nolosha ah wey soo geli kartaa. Foostadii baatroolka aheyd ee mareysey $130 maanta waxa ay tagtey $30 suuqa adduunka. Wadamada dibedda, gaadhigii lagu buuxin jirey taangiga $90, manta waxa lagu buuxiyaa $30. Heerka intaa leeg ee baatroolku raqiisey adduunka, waddankeena weli waa sidii, dadkuna wey dulmanyihiin. Shirkadaha baatroolka oo ay wadaadadu in badan ku leeyihiin Ribadooda lama sheego, shir jaraa’idna lagama qabto. Anigu maan odhan balse waxa loo turjuman karaa in lacagtu marka ay wadaadada iyo cidda ay dan ka leeyihiina xalaal tahay. Haddii aaney sidaa aheyn, shareecada si tafaariiqeysan yaan loogu dhawaaqine si loo simanyahay haloo sheego.

5. Dalku sharci ayuu leeyahay waxaana ka jirta xukuumad dadku doortey. Xukuumaddu waxa ay leedahay Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diintaa oo ah hey’adda u sareysa ee ka talo bixin karta go’aanna ka soo saari karta arimaha diinta khuseeya. Wey dhici kartaa in wasaaradaasi ay u baahato talo iyo aqoon oo ay wax weydiiso wadaado aan wasaaradda aheyn oo aqoon u leh Diinta. Balse talada kama danbeysta ah waxa gaadhaya Wasaaradda Awqaafta oo u gudbinaya dawladda ama baarlamaanka si loogu go’aan qaato. Wadaadada is barbar ordaya waa waxa soomaaliya rogey ee 100 wadaad mid walabaa inta uu maxkamad sameystey yidhi kitaabkeygaa sax ah. Umaddu dawlad ayay dooratey, dawladaas ayuunbaana ka talin karta mustaqbalka dalka. Dadka wixii aqoon iyo talo hayaana waxa ay u gudbin karaan cidda ay khuseyso. Sida ay wadaadada shirka jaraa’id qabtey u muuqdeen, waa carin iyo yareysi ay yareysteen dawladnimadii. Waa dhab oo dawladu meelo badan ayay dhaakodhaako ka tahay oo u baahan in la xoojiyo, balse uuma baahna in dawldii laga barbar furo dawlado yaryar oo ikhtiyaarkooda ku socda. Waana raqiisnimo in la yidhaa haddii sidaa la yeelo waxa dhaca waa la arki! Waa hanjabaad dawladnimada loo geysanayo.

Salaadiintu waxa ay ahaayeen hoggaamiyayaasha bulshada ee mujtamucu eegto ee warkooda la maqlo. 15-kii sanadood ee u danbeeyey ayay salaadiinta iyo cuqaasha badhkeed dano gaar ah yeesheen oo iyaga oo aan kala tashan dadkii ay madaxda u ahaayeen taageereen dhinacyo siyaasadeed oo ay ku dhex milmeen siyaasaddii. Tii waxa ay keentey in salaadiintii dadka badhkii dhaliilaan badhna taageeraan. Dadkii diidanaa dhaqanka cusub ee salaadiintooda waxa ay bilaabeen iney suldaano kale iyo cuqaal kale ka barbar sameystaan salaadiintii jirtey. Suldaan kasta oo karaamo lahaa markii uu siyaasadda galay ayaa laga barbar sameeyey 5 suldaan oo cusub oo qaar wanaagsan iyo dibjirba iskugu jira, isagiina halkaas ayuu ku noqdey suldaan kooxeed.

Anigu waan rumeysanahay in wadaada iminka hadley ay ku jiraan rag mujtamucu kalsooni badan ku qabo. Waxa kale oo an rumeysanahay iney leeyihiin aqoon iyo waaya aragnimo ku filan oo ay Diinta kaga turjumi karaan. Doodeydu taasi maaha. Waxan kula talin lahaa inaaney iyaga oo culimo qaran ah aaney ka dooran iney wadaad kooxeedyo noqdaan. Haddii dadku uuga shakiyo iney dan gaar ah iyo cid gaar ah difaacayaan oo 24 sanadood dabadood ay dalka xuurto ku heystaan laba bangi, maalinta la soo hadalqaadana sided kitaab la isla soo barbar fadhiisto socon meyso. Haddii taa laga taxadiri waayo, ganacsade kasta oo dan leh iyo siyaasi kasta oo dan lihi wuxu sameysan afar wadaad oo u hadla. Weliba culimadan an dhaliilsanahay waaba kuwo aqoontii Diinta iyo shareecadaba yaqaanee, waxa iman doona culimo kooxeedyo “Faataxada” wax ka badan aan aqoon, balse afmiishaaro ah oo inta ay cimaamado soo qataan wadaadada saxa muran ku furi doona caamada iyo intii danta gaarka laheydna jabsan doona.

Hibo Eebbe ku siiyey, Habeen la iskam Qaado. Wadaadada shirka jaraaid qabtey iyo inta kaleba waxa an kula talin lahaa ummaddu ixtiraam aay idiin heysaa ee bal idinku uun ha is maax duminin. 5-tan qodob ayaan wadaadad kula talin lahaa:

1. Waa muhiim iney wadaadadu marka hore muwaadiniin noqdaan haddii ay yihiinna u muuqdaan oo ay hadalkooda iyo ficilkoodaba ka muuqato lexejeclo ad dalka u hayaan. Diintu waxa ay ku dhisantahay dadka, dadkuna waxa uu ku dhisanyahay dalka. Haddaan dal dhisan oo xoog leh oo hore u marey la noqon, dadku uu daciifaya, dad daciif ihina Diintooda ma ilaashan karaan. Maaha uun in wadaadku shareeco keligeed meel taagan sheegaan oo uu dantiisa ka raaco ama uu dhawaaqo uun maalinta dantiisu cidhiidhiga gasho. Mujtamicii noloshu wey ku adagtahay, gaar ahaan masaakiinta, sicir barar ayaana duleystey. Sicir bararkaasi oo ay keentey ganacsato dabarka goosatey oo ay wadaadadu kow ka yihiin. Wadaadku waa inu xaqqa ku addimaa oo uu dhankasta u ridaa oo uu u hiiliyo dalkiisa. Wadaadku waa inaanu ku mashquulin u kala heelinta 4 bangi oo dad xoolo badan heystaa ku tartamayaan, balse waa inu ka fikiraa sidii loo soo badin lahaa bangiyada wanaagsan ee dalka lagu dhisi lahaa. Haddii aan dalka la keenin bangiyo wanaagsan oo ina anfaca oo dalka inala dhisa, waxa iman doona qaar aynaan ka raali aheyn waxay doonaan haku soo marmarsoodaane oo oo si aynaan rabin inoola dhaqmi.

2. Wadaadku waa inu markasta la safanyahay inta dulman, masaakiinta taagta daran, kuwa aan xaqooda u hadli Karin ee aan codkooda la maqlin, kuwa qatan, dhalinyarada 100,000 kor u dhaaftey ee jaamacadaha ka soo baxday ee shaqo la’aantu heyso ee cidi dheg u dhigi laadahay baahidooda. Wadaadku hala safto hooyooyinka nolosha la halgamaya ee sooqa fadhiya. Balse haddii kolba isaga oo dhaashani inta uu TV soo fadhiisto yidhaa waan idin wacdiyayaa, waxa loo arki karaa qof aan duruufta dadkaba la socon ee addunyo u gaar ah ku nool.

3. Wadaadku yuu meeluun taagnaane waa inu odorosaa oo uu ka sii taliyaa halka umaddu u socoto, sida looga sii hortagayo wax qaldan ee dhici kara iyo sidii loola jaan qaadi lahaa caalamka, gaar ahaan umadaha Islaamka. Umaduhu iyaga oo wada Islaam ah ayay hadana kala tageen oo qaarna dayax higsanayaan oo Diintoodiina xajisteen, qaarna waxa ay weli u noolyihiin 1,000 sanadood ka hor sidii uu Islaamku ahaa. Wadaadku haddii uu sheego uun waxa la diidanyahay, balse aanu xal ficil ah keenin, warkiisu hadal uunbuu ku danbeyn.

ADOO CAALIM QARAN AH, WADAAD KOOXEED HAKA DOORAN.

Nabad iyo Caano

Ardaaga Maxamed cali Bile
Aqoonta U Adeegta Nolosha

Comments are closed