Xaqiiqooyinka qaar ka mid ah Cayayaanka! W/Q: Muna Ahmed
Baranbarta
Cilmibaadhayaasha iyo Saynisyahanduba sanadahan danbe cayayaanka waxa ay ku soo dhaweeyeen goobahooda cilmi-baadhiseed ‘labaratories’ iyaga oo darsaya awoodaha layaabka leh ee cayayaanada isla markaasna isku dayaya in ay fahmaan qaababka ay u nool yihiin. Cayayaanada ay darseen amaba wax ka ogaadeen Cilmibaadhayaasha caalamiga ahi waxaa ka mid ah cayayaanada bini’aadamku ugu necebyahay u dhawaanshahooda ama ay kaba xanaaqaan aragtidooda. Baranbarta oo lagu tilmaamo cadawga dadka waayo dadka oo wada neceb awgeed ayaa ka mid ah cayayaanka ay cilmibaadhayaashu waqtiga badan u hureen si ay wax uga ogaadaan.
Baranbartu sida la wada ogsoon yahay waxa ay leedahay dabeecado cajiib ah oo aanu cayayaan kale la wadaagin. Dabeecaddaha ugu horreeya isla markaasna la wada og yahay waxaa ka mid ah in ay baranbartu waxa ay toosto xilliga ay dadku seexdaan huruddana xilliyada ay dadku soo jeedaan. Baranbartu waxa ay jeceshahay in ay ku noolaato meeliba meesha ay ka madowdahay kana usgag badan tahay. Waxa la ogaaday Baranbartu in ay tahay xayawaanka kali ah ee kor saaran dunida ee ka badbaadi kara hubka Nukliyeerka ah! waxa kale oo la sheegay in ay Baranbartu ku noolaan karto kul aad u sarreeya oo aanay ku dhimanin xitaa haddii la galiyo ‘Microwave Oven’ waxa kale oo la rumaysan yahay in ay Baranbartu ay dhex gasho dulalka sanka ciyaalka yaryar kadib ay ka quudato.
Baranbarta waxaa mar mar lagu sheegaa in ay tahay shaydaan waayo hore looma dili karo oo uma dhimato. Baranbarta waxa la sheegaa in ay u adkaysan karto kulka ka soo baxa shucaaca ‘Radiation’ in ka badan shan iyo toban jeer inta uu qofka bini’aadanka ahi u adkaysan karo. Baranbartu haddii ay cunto waydo waxa ay noolaan kartaa muddo badan haddii kalena iyada ayaa is quudata oo is cunta. Baranbarta haddii kurka laga gooyo jidhkeeda intiisa kale wuxuu kaligii noolaan karo muddo dhawr wiig ah. Baranbartu waxa ay ka kooban tahay afartan nooc oo kala qaab iyo nolol duwan. Waxa ay ku kala duwan yihiin dhererka, dhumucda iyo qaabka. Nooc ka mid ah Baranbarta oo ku nool waddanka Magadaskar waxa la sheegaa in ay dhererkeedu gaadho illaa sideed sentimitir.
Dabeecadaha ugu layaabka badan waxa weeyi in Baranbartu kolba halkii bini’aadanku u guuro ayay kaga daba tagto. Baranbarta jannadeedu waa bulaacadaha waayo waxa ay bulaacadaha ka heshaa saddexda shay ee ay adduunka ugu jeceshay: Mugdi, Qoyaan iyo Cunto. Inkasta oo Baranbartu ku nooshahay meelaha ugu qudhunka badan haddana waxa la sheegaa in ay nadaafadeeda gaarka ah aad u ilaaliso. Baranbarta waxa la ogaaday in ay leedahay awood orod oo aad u faro badan. Marar badan waxa aad aragtaa marka aad is tidhaa ku istaag Baranbar iyada oo kaa hoos baxsatay, tan waxa u saamaxay xawligeeda orod ee qayral caadiga ah iyo iyada oo dareemaysa in uu shay ku soo socdo ka hor inta aanay kabtaadu taaban jidhkeeda!
Qudhaanjada
In ka badan Malaayiin Qudhaanjo ah ayaa ku noolaa dunida korkeeda in ka badan Malaayiin sanno. Imika iyo dhawaanahan ka horna la iskumaba taxalujin in wax laga ogaado sirteeda iyo qaabka ay u nooshahay. Nin magaciisa la yidhaahdo Beert Hooldoobler ayaa ka mid ah dadka isku dayay in ay wax ka ogaadaan Qudhaanjada iyo amuuraheeda. Beert waxa uu noloshiisa oo dhan u huray sidii uu u heli lahaa sirta nolosha ee Qudhaanjada!
Haddaba illaa hadda xaqiiqooyinka Qudhaanjada laga ogaaday waxaa ka mid ah: Qudhaanjadu waxa ay qaadi kartaa shay ka culus miisaankeeda boqol jeer. Qudhaanjadu waxa ay istaagi kartaa ama socon kartaa iyada oo lugaheedu kor u jeedaan ‘Up side down’. Qudhaanjadu iyada oo yar haddana waxa ay qaadan kartaa xaddi badan oo cunto ah. Qudhaanjadu waxa ay u kala socdaali kartaa dhul aad u kala fog waxa ayna ku dul socon kartaa walax wareegaysa.
Qudhaanjadu waxa loo aqoonsaday in ay tahay cayayaan bulsheed ‘Social Insect’ waayo waxa ay u nooshahay tiro ahaan oo uma noola kali kali. Tani waxa ay sababtay in ay noqoto cayayaan awood yar haddana wax badan qabsada. Isku duubnida, is kaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa ayaa lagu tilmaamaa inay ka dhigeen cayayaan u nool si guul ah ‘Succesful insect’
Qudhaanjadu waxa ay u nooshahay qaab boqortooyo ah. Qudhaanjo kasta oo dheddig ahi ma taranto. Boqoradda oo keli ah ayaa soo saarta jiilka danbe. Ka hor inta aan la aasaasin boqortooyo, boqoradda oo xajmi ahaan ka wayn Qudhaanjada inteeda kale ayaa waxa u taga dhawr ka mid ah qudhaanjada oo lab ah kadib way dhintaan. Intaas kadib boqoradu waxa ay degtaa meel kadib abuurtaa boqortooyo dhan oo ay maamusho.
Caarada
Waxa ay leedahay siddeed lugood, waxa ayna ka mid tahay cayayaanka ugu dheereeya ee ku nool dhullka dushiisa. In ka badan afar iyo soddon kun oo nooc oo iyada ka mid ah ayaa ku nool qaarad kasta marka laga reebo ‘Antartica’. Caaradu waa cayayaan aad u cajiib badan waxa ay na ku noolaan kartaa meel kasta xitaa biyaha dhexdooda. Caaradu waxa ay ka mid tahay qoyska loo yaqaan ‘Arachnida’
Caaradu waxa ay kaga duwan tahay cayayaanka kale dhawr shay. Caaradu waxa ay leedahay siddeed lugood halka cayayaanka kale leeyihiin lix. Jidhkoodu waxa uu ka kooban laba qaybood halka kuwa kale yihiin saddex. Qolfoofka Caaradu waxa uu ku yaalaa dibedda. Caaradu waxa ay noolaan kartaa bilaa cunto iyo bilaa biyo muddo badan. Caarada labkeedu had iyo jeer wuu ka xajmi yar yahay dheddigeeda. Caaradu waxa ay leedahay afar indhood.
Caaradu waxa kale oo ay caan ku tahay in ay samaysato xuub taas oo aanu jirin Cayayaan kale oo la wadaagaa. Caaradu waa cayayaanka kali ah ee dunida kor saaran ee sameeya xariirta. Waxa la rumaysay yahay in caaro kastaa samayso xariir se caaro kastaa ma samayn karto xuub. Waxa la is waydiiyaa sida ay Caaradu u samayso xariirta. Xariirtu waxa ay ka soo baxdaa dhawr qanjidh oo ay Caaradu ku leedahay qaybta danbe ee jidhkeeda. Xariirtu waa dareere marka ay ka soo baxdo Caarada marka se ay hawadu ku dhacdo ayay adkaataa oo noqotaa wax kala baxaya oo kale. Caaradu waxa ay u isticmaashaa xariirta siyaabo badan. Waxa ay ka samaysataa hoy, waxa ay ku ilaashataa beedkeeda, waxa ay ku dabataa cayayaanada ay quudato sidoo kale way ku socdaashaa. Ugu danbaynta marka ay Caaradu aragto in Xariirtani aanay shaqaynay way cuntaa kadib mid cusub ayay samaysaa.
Caaradu waxba ma calalin karto waxbana ma liqi karto! Haddaa side ayay wax u cuntaa? Caaradu kaliya waxa ay quudan kartaa dareeraha sidaas darteed waxa ay cunayso waxa ay ku sii daysaa sun kadib marka uu dareere noqdo ayay nuugtaa.Caarada adduunka ugu khatarta badani waxa ay ku nooshahay Baraasiil, haddii ay qofka qaniintana ma bogsato goobtaasi waxa ayna sababtaa dhimasho. Si kasta oo ay tahay waxa jira haddana dad quuta Caarada. Caarada oo la kariyo nooca loo yaqaano ‘Tratula’ waa cuntada ugu macaan Cambodia.
Caaradu waxa ay leedahay cadaw badan oo ay iska ilaaliso kuwaas oo cuna. Waxaa ka mid ah: Shimbiraha, Mulaca iyo Daayeerka. Sidoo kale Bini’iaadamka ayaa ah cadaw ay Caaradu ka baqato waayo dadku marka ay arkaanba way dilaan Caarada.Sidoo kale suurad ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah ayaa lagu xusay Caarada Suurat ‘Cankabuut’
Tixraacyo:
Secrets of Cockroaches Documentary by Arte France Gedeon Programmes Coproduction.
Ants: Nature’s Secret Power Documentary by Wolfgang Thaler.
Spiders Documentary by Discovery Channel, discovery.com
Turjumidda iyo Ururinta: Muna Axmed Cumar
Muna_gafaneh@hotmail.com