|

Xaqiiqooyin Mucjiso Ah Oo Ku Lammaan Qaab Dhismeedka U Gaarka Ah Gaadhiga Lagu Qaado Madaxweynaha Maraykanka

New York 03. April 2017 (SDN/QJ):- Kadib wixii ka dambeeyey Shirqoolkii Lagu Khaarajiyey Madaxweynihii hore ee Waddanka Maraykanka John F. Keneday oo 22 November sannadkii 1963-kii ku baxay shirqool dil ahaa ayaa wixii mudadaasi ka dambeeyey waddanka Maraykanku waxa ay aad uga taxadaraan amniga Madaxweynayaashooda.

Tusaale haddii aan u soo qaadano gaadhiga Tagsiga ah ee gaarka ah ee Madaxweynayaasha dalkaasi soo mara lagu qaadaa waxa ay yihiin kuwo si gaar ah loo farsameeyo lehna arrimo badan oo Mucjisooyin ah oo aanay gaadiidka kale la wadaagin.

Wargeyska caanka ah ee The Sun ayaa toddobaadkan u guur galay xaqiiqooyinka tagsiga gaarka ah ee Madaw ee Madaxweynayaasha dalkaasi raacaan marka ay shaqo u baxayaan, ha noqoto gudaha dalkooda ama dibaddaba marka ay tagaan iyada oo xataa haddii ay safar ugu baxayaan dalal kale gaadhigan hore loogu sii qaado diyaaradda uu raacayo Madaxweynuhu.

Moodeelka Gaadhigan Lemonce-ga ahi waxa loo yaqaanaa Cadillac. Waana gaadhi tagsi ah oo kala jiidan raaxo iyo amnina isku darsaday. Gaadhigani waxa uu awood u leeyahay in uu u adkaysan karo qarax kasta oo lala eegto ama gantaalo kasta oo lagu soo weeraro. Qaab dhismeedkiisa Mucjisooyinka ah waxa ka mid ah:

  1. Qolfaddiisa sare waxa ku dahaadhan lakab adag oo dhumucdiisu ka weyn tahay 20cm oo ka samaysan xadiid aad u culus oo aanay rasaasta iyo bambooyinku waxba ka tari Karin.
  2. Culayska gaadhigani waxa uu dhan yahay ina ka badan 4-tan iyo badh.
  3. Meel ku beegan Turuska hore ee gaadhiga waxa kaga rikiban kaamarooyin aan muuqaalkooda la arkayn oo habeen iyo maalinba waxa duubi kara xataa wakhtiyada madaw ee hawbeenkii si cad wax loogu arki karo oo qabanaya wixii agagaarkaasi ka soo dhawaada.
  4. Meel ku beegan istoobka ama isha hoose ee gaadhiga ee wajahadda hore waxa gudaha ugu soo jira oo afka lasoo jeeda qori ay ka dhici karaan bambooyinka suntan ah ee dadka ka ilmaysiiya oo lagu kala dareerin karo haddii cidi Madaxweynaha ku mudaharaaddo.
  5. Taarriyadiisa waxa ku dul dahaadhan lakab bir iyo cinjir isugu jira oo taayirka u diidaya in uu qarxo xataa haddii ay rasaasi ku dhacdo. Waxaana ku sii hoos lammaan taayir kale ee Spare ah.
  6. Meel ku beegan daaqadda hore ee gaadhiga waxa gudaha ugu jira qori boobe ah oo darandoori u dhaca oo la adeegsan karo haddii xaalad kahatar ah oo amni timaad.
  7. Sidoo kale waxa uu dhinaca ku sitaa haamo dab-damis oo dabka lagu bakhtiin karo.
  8. Kursiga gaadhiga ee Madaxweynaha loogu tala galay in uu fadhiisto waxa ku soo jira dhawr kiish oo keyd ah oo dhiig ah gaar ahaan nooca dhiig (Type Blood) ee Madaxweynaha markaasi talada haya ee gaadhigan isticmaalaya si loogu shubo haddii khatari ku timaad.
  9. Waxa uu gaadhigani leeyahay laba haamood oo keyd shidaal ah oo midkiiba qaadi karo in ka badan 200 oo Litir oo shidaal ah.
  10. Xawaaraha uu ku socon karaa waa 300km/hr
  11. Noociisani waxa uu ka kooban yahay 12 gaadhi oo noocan ah oo marka Madaxweynuhu raacayo garab gala oo aanad garanyn ka uu la socdo.
  12. Ugu dambayn qiimaha gaadhigani ku kacay ee lagu sameeyey waa in ka badan 2-Milyan oo Dollar.

Comments are closed