Xaqiiqooyin Ku Lammaan Shakhsiyadda Dhabta Ah Ee Donald Trump: Noloshiisii Hore, Hantidiisa, Muxuu Ka Aaminsan Yahay Muslimiinta Iyo Gaar Ahaan Soomaalida
San Bernardino 11.November 2016 (SDN/QJ):- Donald John Trump oo ah maal-qabeenka reer Maraykan ee shalay ku guulaystay talada waddanka adduunka ugu tunka weyn ee Maraykan waxa lagu tilmaamaa shakhsiyad layaab badan oo in badan laga faalloodo.
Maal-qabeenkan mawaaqiftiisa iyo siyaasadihiisu layaabka badan ku rideen caalamka ayaan isku dayi doonaa in aan akhristayaasheena sharafta mudan la wadaagno macluumaad iyo xogo qarsoon oo la xidhiidha noloshiisa, shakhsiyaddiisa, hantidiisa balaayiinka dollar dhaaftay, aragtida uu ka qabo islaamka, carabta iyo gaar ahaan Soomaalida. Waxa kale oo aan ku eegi doonaa qaabkii layaabka lahaa ee uu ku yimid talada dalka Maraykan iyo aqalka cad.
Donald John Trump, oo lagu naanayso maalqabeenkii waallaa oo ku guulaystay talada dalka Maraykanku waxa si rasmi ah xilka Madaxweyne loogu dhaarin doonaa 20-ka January 2017.
Trump waxa uu ka soo jeedaa Bulshada cad ee reer Maraykan waxaannu 14-kii June sannadkii 1946-kii ku dhashay xaafadda Queens, Magaalada New Yorl ee dalka Maraykanka (70 Jir). Waxa uu waligii illaa yaraantiisii taageeri jiray xisbiga Jamhuuriga (Republican) ee u soo sharraxay Jagada Madaxweyne. Mudadii uu noolaa waxa uu guursaday saddex xaas. Waxa ugu horraysay Ivana Trump oo ay wada noolaayeen intii u dhaxaysay 1977 Illaa 1992), waxa ku xigtay Mala Maples oo ay wada joogeen 1993 Illaa 1999 iyo ugu dambayn haweenaydiisa wakhtigan oo lagu magacaabo Melania Trump oo ay is guursadeen 2005. Markii uu Donald Trump yaraa waxa uu aabbihii sheegay in uu ahaa nin aad u fudud oo shaqo badan oo aan fadhiisan. Waxa waalidkii ku daray kulliyadda Ciidamada Milatariga ee dalka Maraykanka markii ay da’diisu ahayd illaa 19-jir balse ma dhammaysan oo ma noqon nin ka qalin jabiya kulliyaddaasi.
Bilawgiisii Dhinaca Ganacsiga:
Donald Trump oo lagu tilmaamo mid ka mid ah dadka wakhtigan adduunka ugu hanta badan waxa la sheegay in maskaxdiisu inta badan ahayd mid ku fekerta dhinaca ganacsiga isaga oo aad ugu wanaagsanaa sida loo shaqaysto. Markii uu ku jiray aqoontiisa dugsiga Hoose/Dhexe waxa uu ku biiray machadka dhinaca xisaabaadka iyo ganacsiga ee Wharton ee Jaamacadda Pennsylvania isaga oo aad ugu wanaagsanaa xisaabaadka iyo ganacsiga, markii uu waxbarashadaasi dhammaystayna waxa uu maamule ka noqday shirkad weyn oo aabihii lahaa oo ka shaqaysa dhinaca kiraynta iyo iibinta guryaha. Mudadii uu hawshaasi wadayna aad ugu wanaagsanaaday kambanigaasina horumar weyn gaadhsiiyey. “Aabbahay Fred Trump waxa uu ka mid ahaa ragga adduunka ugu fariidsan ee ugu shaqada badan inta taariikhda la hayo” sidan waxa uu Trump ka sheegay khudbad uu ka jeediyey markii xisbigiisu u sharraxayay madaxtinimada. 1983-kii ayuu Trump ganacsi gaar ah oo aan ahayn kii aabihii samaystay illaa uu ka gaadhay in uu yeesho guryo loo yaqaano kuwa daruuraha dhaafa. Waxaanu sii waday dhinaca dhismaha guryaha iyo ganacsigooda. Waxa uu leeyahay daarta dheer ee loo yaqaano ‘Trump Tower’. Qaabka layaabka leh ee uu timaha u jarto ama u faadhaa waxa ay u keentay shacbiyad badan illaa sannadihii siddeetamaadkii oo loo qaatay shicaarka ama calaamad nin ku wanaagsan ganacsiga.
Hantidiisa:
Donald Trump waxa la xaqiijiyey in hantidiisa rasmiga ahi wakhtigan dhan tahay 3.7 Billion Dollar (Saddex Bilyan Iyo Toddoba Boqol oo Milyan). Waxaanu ganacsigiisu u badan yahay dhinaca kiraynta, iibinta iyo ka ganacsiga daaraha adduunka ugu dhaadheer in badan oo ka mid ah oo ku yaalla dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada New York. Dhismayaal dhan oo dhaadheer ayuu leeyahay oo loo yaqaano Trump Towers illaa uu dhawr jeer ka mid noqday 10-ka qof ee ugu hanta badan dalka Maraykanka.
La Soco