Xaqiiqada Sheekada Mucjisada ah ee Hore loo arag ee ku Habsatay Qoys Deggan Burco, Isbeddelka Midabbada Cuntada & Biyaha DAAWO
Burco 20. December 2016 (SDN/QJ):- Qoys ku dhaqan Xaafadda Aktoobbar oo ka mid ah Xaafadaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa Mucjiso aan hore loo aragi la soo deristay, isla markaana Cuntada ay karsadaan iyo Biyaha ay shubtaanba yeelanayaan midabbo aanay hore u arag oo kala duwan, iyaga oo Biyo kasta oo ay Shubtaan ay xumbaynayaan, isla markaana ay Midabbo nooc nooc ah yeelanayaan, halka ay Cuntaduna nooc kasta oo ay tahay midabbadaas yeelanayso.
Qoyska ay dhibaatadani la soo daristay, ayaa ka sheekeeyey Mucjisada ay arkeen iyo xilligii ay ku bilaabantay oo ay sheegeen inay muddo bil ah soo socotay, Cunto kasta oo ay karsadaan Loox, Bariis, Baasto, Hilib, Shaah iyo Laxoox-ba ay is-beddelayaan, ay Biyuhu Xumbno samaynayaan. Waxaanay sheegeen in markii dhibaatadani ku badatay ay Culimada Burco Warqado u qorteen si ay ugu soo gurmadaan oo ay Qur’aan ugu akhriyaan Qoyskaas iyo Guriga ay deggan yihiin.