Xanuuno Xoolo Badan u dhinteen oo laga soo Sheegayo Waqooyiga Hargeysa
Hargaysa 07. Novembar 2016 (SDN/QJ):- Xanuuno aan la garanayn ayaa waxaa ay ku dhaceen xoolaha deegaanada Waqooyiga Hargeysa ee hoos yimaada degmada Daarasalaam.
Dadka xoolalayda ah ayaa sheegaya in xanuuno ay u dhimanayaa xoolihii degaankaasi oo markii hore abaari ka jirtay.
Dadka waxaa ay sheegayaan in neefkii xoolaha ahaa Adhi, Lo’ iyo Geelba xanuunkani isku mid uu u dilayo.
Islamarkaana ay dadkii xoolo dhaqatada ahaa khatar ugu jiraan inay qaadaan xanuunkaasi maadaama ay ku noolyihiin baadka Xoolaha.
Dadka deegaankaasi waxaa kale oo ay ka cabanayaan xaalad abaareed oo halkaasi ka jirta.
Guddoomiyaha Degmada Daarasalaam oo warbaahinta la hadlay waxaa uu ka dayriyey xaalada ay ku jiran dadka deegaanada uu maamulo.
Guddoomiye Ciise Muuse waxaa uu sidoo kale baaq u diray laamaha dawlada iyo Guddida Abaaraha Somaliland oo uu sheegay in dadkaasi caawimo degdeg ah lala soo gaadho..
Sanadkan horaantiisii ayay ahayd markii abaar baahsani ku dhufatay deegaanada Waqooyiga Hargeysa, wakhtigaasi oo ay ku dhinteen xoolo tiro badan.