|

“Xamarji Oo Badhasaab ah ayuu Nin Cadayga Burco ku Iibiyaa Xirsi Telefoon u soo Diyarayaa Oo Odhanayaa….” Guuleed Daahir

Hargeysa:-24-Jan-2014(SDN)-Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Sababaha Rasmiga ah ee uu Guddoomiye Xamarji uga Tegay Xilkii uu u Hayey Bulshada Gobolka Togdheer.

guuleedigaGuuleed Daahir oo maalintii shalay Warbaahinta kula Hadlayey Magaalada Hargeysa, ayaa xusay inuu Xamarji shaqadiisii u gudan kari waayey oo u ga tegay Gacan-togaalayn Beelaysan oo kaga Timi Gobolka Iyo Madaxda kasoo Jeedda ee Dawladda ku jirta.

Waxa uu sheegay inuu guddoomiyuhu ku dawakhay cidda xaq u leh inay Gobolka Arrimihiisa gasho oo  isku dubo riddo,  isagoo tilmaamay in Tacaddigii loo geystay uu ka mid ahaa sabibihii uu shaqada uga Tegay, waxana uu yidhi, “ Tayda oo kaliya ma aha sababaha uu Xamarji Shaqada uga Tegay, laakiin waxa dhacday inuu khaati ka joogsaday oo ka shaqaysan kari waayey Madaxda Dawladda ee Gobolkaas ka soo jeeda, waxa uu Xamarji arkay in Isagoo Badhasaab ah Nin Cadayga Burco ku Iibiyaa uu telefoon soo diray oo yidhi xirsiyow Burco waxaasaa ka Jira, markaas arrimahaas iyo kuwo kale oo badan ayuu  uga tegay shaqada.”

Guuleed Daahir waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Xamarji ahaa nin madaxweyne Siilaanyo abaal badan u galay oo meelo adag kala dabaashay,isla-markaana aan u qalmin in caynkaas oo kale loola dhaqmo oo shaqadiisii la faro geliyo.

Waxa uu ugu dambayntii Guuleed Daahir xusay in cid kasta oo halkaas timaadda caynkaas loola dhaqmi doono oo aanay heli doonin madax bannaani dhinaca shaqada ah.

Guuleed Daahir oo ay dhawaan xukuumaddu xabsiga u taxaabtay, ayaa haatan sheegay  in markii waxba lagu waayey la iska sii daayey oo aanay jirin wax damiin ah oo lagu sii daayey.

Comments are closed