|

Xam-Xamta Suuqa: Muxuu Isu Casilay Cabdikariim Axmed Mooge?

Hargeysa,15Aug,2015(QJ/SDN)- Goobaha iyo Majlisyadda Dadweynuhu ku kulmaan ayaa Labaddii Maalmood ee ugu danbeysay waxa si weyn Weydiimo badan layska weydiinayaa Sababta Rasmiga ah ee Xilka uga Huleelay Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Qirshaynta Qaranka, Md. Cabdikariim Axmed Mooge oo ahaa Shaqsi can ka ah dhalinyaradda Somaliland dhexdeeda,isla markaas si weyn uga dhex muuqday hawlaha Samo-falka iyo La-dagaalanka Qabyalaadda.

100_3198

Sida ay dadku carabkooda ku baniyaan Wasiir Ku-Xigeenka,ayaa waxay caqabad weyni kasoo waajahday dhinaca Wasiirka uga sareeya Wasaaradda ee Dr. Sacad Cali Shirre,waxaana la sheegayaa in shaqadda Wasaaraddu aanay dhinacna u dhaafin Wasiirka iyo Xoghayntiisa gaarka ah,isla markaas aanay jirin cid kale oo wax shaqo ah ka qaban karta Wasaaradda.dadka sidaas ku andacoonaya ayaa waxay Su’aale usoo qaataan Agaasmimaha Guud ee Wasaaraddaasi,kaas oo aan ilaa hadda lagu arag goob shaqo oo arimaha Wasaaradda lagaga hadlyo,iyada oo aanay Warbaahintuna xattaa aanay Magaciisa iyo Muuqiisatoona waxba ka aqoon.waxaanay badiba Shacabku aaminsanyihiin in aanay Wasaaraddu lahaynba Agaasime kala wada hawlaha shaqo ee Wasaaraddu qaranka ugu Xil-saarantahay.

Arrimaha kale ee ay dadka Wasaaradda ka ag dhawi soo warinayaan ee dhaacawa ku ah ah Milgaha qaranimadda iyo Sunnaha Dawlanimo,ayaa ah iyada oo Wasiirka Wasaaraddaasi uu sii xidho dhamaan Xafiiyadda kala duwan ee Wasaaraddaasi,isla markaas inta uu Dalka ka maqan yahay oo dhan aanay jiri Karin Cid kale oo Wasiir Ku-Xigeen ama Agaasime ah oo u idman inay sii qabato hawl-maalmeedka shaqo ee Wasaaradda.

Haddaba,waxa ay Dadku si weyn uga dhursugayaan bal cidda lagu bedelo Booskaas iyo waxa uu Wasiir Sacad ka u yidhaahdo Fedeexadda kali-talis-nimo ee dul-hoganaysa.

Comments are closed