|

Xalay Iyo Shacabka reer Puntland oo Fariin Adag u dhiibay Xassan Sheekh’’4.5 qaadan Mayno’’

Garowe 09.Jan 2016 (SDN/QJ):- Fannaaniinta reer Puntland oo xambaarsanaa aragtida shacabka ayaa xalay Munaasabadii loogu dabaaldagay sanadguuradii 2-aad ee kaso wareegtay markii la doortay Madaxweyne Gaas kuso Bandhigay hees ka tarjumaysay hannaanka ay doonayaan shacabka reer Puntland inay u dhacdo doorashada Soomaaliya.

IMG_30261 IMG_3034Heesta oo la yiraahdo 4.5 qaadan mayno,ayaa ka hadlaysa in muhiim ay tahay in laga guuro Nidaamka xaaraanta ah ee 4.5,isla markaana loo guuro Nidaamka Waxqaybsiga deegaanka.

Waxaa kale oo heestu ay diirada saaraysay in Nidaamkan oo dib u dhac badan ku keenay dalka horay looga socdo,iyadoo laga shidaal qaadanayo wixii laga bartay.

Waxaa la yaab lahayd in marka fannaaniintu ay ku luuqaynayeen heesta ay kula luuqaynayeen  shacabkii reer Puntland ee Munaasabada kaso qayb galay”4.5 QAADAN MAYNO”.

Fariintan ayaa shacabka reer Puntland ay si rasmi ugu dhiibeen Madaxweynaha Soomaaliya oo goob joog ahaa xalay,xilli uu horay u sheegay Dr. Farole inuu filayo in Xassan Sheekh uu dib ugu noqdo Muqdisho isagoo diidan Nidaamka 4.5.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in shacabka reer Puntland ay mar kale hadleen,wuxuu xusay in loo baahan yahay in laga gudbo Nidaamka 4.5.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka reer Puntland ay tixgaliyaan natiijada kaso baxda wada hadalada Siyaasadeed ee Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ku yeelanayaan Kismaayo.

Fariintan ayaa kuso beegmaysa xilli la filayo inuu dhowaan Kismaayo ka dhaco shirka lagu go’aaminayo nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sanadkan hadduu EEBE idmo.

Comments are closed