|

Xal laga Gaadhay Khilaaf ka dhex oognaa Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isal Wasaarihiisa & Qodobo la isla qaatay

Muqdisho 21.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha DF Xasan Sh. Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa isku soo dhawaaday kadib muran siyaasadeed soo dhexgalay, kaasoo salka ku hayay habka isku shaandheynta loogu sameynayo xukuumada.

heshiis laba Mas'uulWararka laga helayo ilo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegay in howshan ay isugu soo dhawaadeen labadan mas’uul uu ka shaqeeyay Afhayeenka Golaha Shacabka Prof. Jawaari, inkastoo ay weli jirto kala fikir duwanaasho yar.

“Kulamo xasaasi ah ayaa habeenadkii lasoo dhaafay ka socday Villa Somalia waxaana labada mas’uul oo si aad ah ugu kala argti duwanaa isbedelka lagu sameynayo golaha wasiirada ayaa isku soo dhawaaday” ayuu yiri mas’uul ka tirsan Villa Somalia oo diiday magaciisa.

Mas’uulkan ayaa sheegay in dadaalka lagu dhexdhexaadinayo mas’uuliyiinta DF ugu sareeya ay ka shaqeeyaan Afhayeenka Baarlamaanka iyo xildhibaano ay aad isugu dhow yihiin labadan mas’uul.

“Waxaa la isku afgartay in xukuumada lagu sameeyo isku shaadheyn, iyadoo mas’uul walba uu ogolaaday xubnihii uu watay mas’uulka kale” ayuu xubinta ka tirsan Villa Somalia u sheegay GO, isagoo xusay in rajo weyn ay jirto.

Ra’iisul wasaaraha DF iyo Madaxweynaha ayaa ku kala booday todobaadkii la soo dhaafay habka isku shaandheynta loogu sameynayo wasiirada, iyadoo mas’uul walba uu watay xubno uu mas’uulka kale diidan yahay.

Xubnaha sida weyn la isugu khilaafay ayaa waxaa ka mid ah wasiirada hada xilalka haya, iyadoo taasi ay keentay inuu culeys weyn ku yimaado sidii loo sameyn lahaa isku shaandheyta.

Inkastoo aan la ogeyn xiliga lagu dhawaaqayo golaha wasiirada oo wararku ay sheegayaan inay gaarayaan 25 wasiir iyo ku xigeenadooda ayaa waxaa hadana socda kulamo gaar-gaar ah oo ku saabsan habka isku loo balaarin doono Wasiirada DF.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Wasiirada cusub ay intooda badan ka kala imaan doonaan xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo sidoo kale xubno ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in lagu qanciyay in Ra’iisul Wasaaruhu lix bilood shaqeeyo, markaas kadibna go’aan wadajir ah la qaato, kaasoo aan la ogeyn wuxuu noqon doono..

Muqdisho SDN.

Qurbejooh

Comments are closed