Xakamee Muddada Uu Ilmaahaagu Ciyaarayo Ciyaaraha T.Vga Sida Playstationka Oo Kale Si Caafimaadkisa Iyo Akhlaaqdiisu Aanay U Xumaan
Hargaysa 19.Sep 2016 (SDN/QJ):-Daraasad cusub oo laga soo saaray dalkaasi Spain ayaa lagu cadeeyey in ubadka hor fadhiya T.V-ga muddo dheer islamarkaana ku ciyaara ciyaaraha sida loo yaqaano (Play station) in ka badan hal saac maalintii in ilmahaasi uu yeesho dhaqamo aad u xun gaar ahaana dhinaca hab-dhaqanka iyo akhlaaqda.
Sidoo kalena saamayn ayey ku yeelataa muddada badan ee uu ilmahu ku ciyaarayo ciyaarahaasi, taasoo ah inay soo gaadho dhibaato dhinaca araga ah, isaga oo aad u da’yar, islamarkaana uu la barbaarayo, halka ubadka iyagu aan ka badsan ciyaaraha muddo laba saacadood toddobaadkii ay aad uga firfircoon yihiin kuwa aan iyagu muddada dheer isticmaalin ciyaarahaasi oo ay kaga wanaagsan yihiina dhinaca hab-dhaqanka iyo akhlaaqda.
Waxa uu mid ka mida culimada diyaarisay cilmi baadhistan oo magaciisa la yidhaa Khiisas Boojool uu sheegay inay haboon tahay in la ilaaliyo muddada uu ilmaha yari ku ciyaarayo ciyaaraha T.V-ga, si aanay saamayn ugu yeelan caafimaadkiisa.
Waxaana aad u haboon in loo maamulo muddada ay ubadku ku ciyaarayaan oo aanay waalidiintu marnaba ka jeedsan sidii ay u ilaalin lahaayeen tirada saacadaha uu ilmihiisu toddobaadkii ku ciyaaray T.V-ga, haddaba daraasadan oo lagu sameeyay 2,442 carruura oo ku nool magaalada Barcelona ayaa waxa ay cadaysay in ubadka muddo aad u badan ciyaara ay ka dhib badan yihiin kuwa aan muddooyinka dheer ku ciyaarin T.V-ga, taasoo ubadka muddada dheer ku ciyaara ay waalidoontood had iyo jeer soo gaadho cabasho dhinaca akhlaaqda ah.
Sidaa awgeed waxa haboon inaynu had iyo jeer la socono tirada saacadaha ee ubadkeenu isticmalayaan ciyaaraha kala duwan ee lagu ciyaaro T.V-ga .