Xaglotoosiye oo Oog gaaray iyo dagaalo ka socda min Qurulugud ilaa sooljoogto
Oog August 07,2012(SDN)-Hogaamiyihii jabhadii SSC ee dagaalka kala soo horjeeday ciidamada Somaliland ee dhawaanta heshiiska la qaatay madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa haatan ku sugan degmeda Oog.
Halkaaa waxa uu Suleymaan Xaglotoosiye kula kulmay tiro wasiiro ah oo halka hore ugu sugnaa waxaana lagu wadaa in ay halkaa lagu qabto kulamo nabadeyn ah oo labada dhan dhex mara.
Sidoo kale socdaalka Xaglotoosiye waxa la kawsaday weeraro ay ciidamo ka amar qaata maamulka Khaatumo ay ku qaadeen degaano ay fadhiyaan cutubyo ka mida ciidamada Somaliland.
Khaasatan degmeda Qururlugud iyo aaga Buuhoodle ee Sooljoogto loo yaqaano,dagaaladan oo aaney warar madax banaani weli kasoo bixin ayaaney suurtogal aheyn in la ogaado khasaaraha ka dhashay.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in xaaladaha degaanada Bariga khaasatan dhinaca Buuhoodle ay haatan gashay mar xalad hor leh,oo ay adag tahay in la saadaaliyo.
SDN-Oag
contact@somalidiasporanews.com