XAGLATOOSIYE: Xiddigii Xeeladda Ku Xakameeyay Xanuunkii Tartankii Shirkii 5-aad KULMIYE
Hargeysa,19Nov,2015(QJ/SDN)-Shirkii Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee lagu qabtay Hargeysa 1o-kii Bishan November 2015 ee ka qabsoomay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa waxa uu dibada u soo saaray burhaanta siyaasadeed ee Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo noqday qofka ugu saamaynta badan ray’ul caamka bulshadda.
Murrashax Saleebaan Xagla-toosiye oo ah nin dhalinyarro ah waxa uu noqday murrashaxii u horeeyay ee ka soo jeeda gobollada Buuhoodle iyo Sool ee xisbiyadda Somaliland dhexdooda uga tartama murrashax madaxweyne ku-xigeenimo.
Waxa uu doorasho adag la galay madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo muddo xileedkiisa labaad mar kale si dimuqraadi ah iskugu soo taagay. Tartankaas bun-tirsiga ahaa waxa Saleebaan Xaglatoosiye ka helay 114 cod, halka uu Saylicina kasbaday 230 cod.
Waxa tartankaasi uu Saleebaan Xaglatoosiye u kordhiyay shacbiyad balaadhan, iyadoo dadweynuhu ay goobaha bar-kulanka bulshadda taageero weyn uga muujiyeen. Waxa dadka taageeray iskugu jireen qaar la doonayay inuu mansabkaa lagaga guulaystay uu ka soo baxo iyo qaar la dhacay hab-dhaqankiisa siyaasiga ah oo u muuqday mid gadiidey oo hayin ah.
Waxa saxaafaddu Xaglatoosiye ka soo xigatay KELMADO waaweyn oo tusmaynaya heerka aftahanimadiisu gaadh siisan tahay Waxaanu yidhi “Guul-darradu mar bay guul tahay. nin dhallinyarro ah baan ahay hankayga siyaasadeedna waan sii wadayaa. waxa aan ka shaqaynayaa midnimada Somaliland. dib baan ugu noqonayaa taageerayaashayda, wixii dambe gadaal baan ka soo sheegayaa.”
Wasiir Xagla-toosiye waxa uu qeexay saamaynta hirdanka siyaasadda ka dhasha oo dad rafiiq ahaa ay ku kala tagaan, kuwo aanay hore iskugu bixi jirinna ay iskugu xidhmaan, isagoo u laab qaboojinayay ergadii kalsoonidooda siisay waxa uu yidhi “Waxaan hambalyaynayaa murrashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga KULMIYE loo doortay. Waan tartamay waana la iga guulaystay. anigoo hambalyaynaya madaxweynaha oo ah aasaasihii xisbiga KULMIYE waxaan ka codsanayaa inuu dhiiri-geliyo in dib loogu noqdo hab-nidaameedka doorashada xisbiga KULMIYE oo dhaliilo badani ka jireen, waana in mustaqbalka wax laga bedelo.”
Isagoo lafta jabinaya ayuu haddana xarrago hadlayaa. Waxa erayadii xusuusta reebay ee uu daqiiqado ka dib markii laga gacan sareeyay uu ka hor jeediyay shirkii Golaha dhexe, waxa ka mid ahaa.“Mustaqbalku waa badan yahay. Hankayga siyaasadeed iyo midaynta Somaliland halkan kuma eka, dagaal adagna waan u sii gelayaa. Labadda murrashax-na waxaan leeyahay Tartanku waa bilow, nasiib wanaagsan ayaan idin leeyahay. Intii idooratay aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa, waa in danaysay midnimada wadanka, intii iga codsaysayna waxaan ILLAAHAY uga baryayaa inuu fahamsiiyo midnimadda wadanka looga baahan yahay.”
Mr. Xagla-toosiye waxa uu isla 16-kii Bishan Magaaladda Hargeysa hadhimo sharafeed ugu mahad-celiyay 114-kii qof ee u coddeeyay oo uu ereyo waaweyn ku maamuusay. Xafladan qado-sharafta ahayd waxay ka dhigtay ninkii ugu horeeyay ee xisbi ka dhex baratay ee isaga oo aan guulaysan haddana maamuusay intii taageertay.
“Weligiin idin illoobi maayo. Siyaasaddu collaad xun bay leedahay, collaaddeedu ma hadho, saaxiibtinimaddeeduna ma hadho, qofka gacanta kuu taagi waayay intaad nooshahay waad xasuusanaysaa, kii ku taageeray ee kuu taagayna intaad nooshahay waad xasuusanaysaa. Waxaanan idiin sheegayaa 114 kiina qof in aad ahaan doontaan qaar aan xusuusnaado intaan noolahay,”Ayuu ku yidhi khudbadiisii dareen sidka lahayd.
Inkasta oo uu hanneeyay kursigii uu u tartamay haddana waxa uu balan-qaaday inuu Madaxweynaha Somaliland muddo xileedkiisa uu garab taagnaan doono, taasina waa fikir saliima oo ay mudan tahay in lagu bogaadiyo. “Tartarkii wuu dhacay, waynu hanniyaynay, laba murashax buu Kulmiye leeyahay, balse hawl badan baa inoo taalla. Madaxweynaha in aan la shaqeeyo oo qaranka u shaqeeyo ayuun bay imika talladaydu tahay,”Ayuu ummadiisa ku marag gashay Saleebaan Xaglatoosiye.
Waxa kale oo uu ku yaboohay inuu noqon doono ergayga ugu horeeya ee juhdiga ugu badan ku gelin doona in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha laga fuliyo gobollada Barriga Somaliland.
Dad badan oo aan anigu ku jiro ayaa aaminsanaa haddii Xaglatoosiye lagaga adkaado shirka Golaha dhexe innuu xamaantiisa ka urursan doono Somaliland, balse dadka siyaasadda faaqidaa waxay isku waafaqeen inuu noqday siyaasi bisaylkiisu ka weyn yahay da’diisa isla markaana noqday qofka ugu saamaynta badan wixii ka dambeeyay 10-kii November. Wargeyska OGAAL ee ka soo baxa Hargeysa oo fasiray 114-kii cod ee Saleebaan Xaglo-toosiye oo noqotay mid ku sar-go’an 114-ka suuradood ee quraanka kariimka ah.
Waxa jamaahiirtiisu ay sheegeen in shaxdiisa siyaasiga ahi ay tahay mid leh xeelado iyo farsamooyin is-daba yaalla oo uu kaga dabaasho hadba caqabadaha soo waajaha. Waxaanay ku sababeeyeen inuu si dublamaasiyad leh u maareeyay inaanay waxba is yeelin murashaxnimadiisii, xilkiisii Wasiirnimo isla markaana aanu qaadicin shirkii sidii ay yeeleen saddexdii murrashax ee kale ee la tartami lahaa Muuse Biixi Cabdi oo markii dambe ay fursad u noqotay inuu ku kaliyaysto shirkii.
By: Cumar M.Faarax
Cumarmfaarax@hotmail.com
QJ/SDN: Hargeysa