|

“Xagla-toosiye Waa Nin Shacbiyad Badan, Wuxuu Ku Mutaystayna Waa Nin Dhiiran Oo Go’aamo Adag Qaata” Wasiirka Hawlaha Guud

Hargaysa 03.Nov 2015 (SDN/QJ)- Bulshada gobolka Togdheer ayaa baaq culus u dirtay shirka golaha dhexe ee Kulmiye, isla markaana ugu baaqay in murashaxa madaxweyne xigeenka loo doorto Wasiirka Caafimaadka Xaglatoosiye.

CALI MAREEXAANDad isugu jiray Odayaal, madax dhaqameed, waxgarad iyo qaybaha kale ee bulshada gobolkaa ayaa shalay ku qabtay magaaladda Burco madal ay ku muujiyeen taageeradda ay u hayaan murashaxa madaxweyne xigeenka Saleebaan Xaglatoosiye. “waxaanu amar ku siinaynaa dadka golaha dhexe ku jira ee gobolka Togdheer u dhashay inay siiyaan Xaglatoosiye codka oo ay soo saaraan. Waayo anaga garabkayagu waa Buuhoodle.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ahaa duqaydaa madashaa ka hadashay. Sidoo kale dadka kulankaa ka hadlay ayaa dhamaantood si isku mid ah isugu raacsanaa in murashaxa madaxweyne xigeenka loo daayo Xaglatoosiye.

 

Mid kale oo ka mid ahaa dadka halkaa ka hadlay ayaa weedhihiisii waxa ka mid ahaa oo uu yidhi; “Inankaa firfircoon ee maanta Somaliland u soo baxay, waa ninka maanta doonaya in Buuhoodle laga coddeeyo, iyadoo isxambaar lagaga soo bixi jiray. Markaa maanta halkan anagoo ah gobolka Togdheer salaadiintiisii, cuqaashiisii, waxgaradkiisii, xildhibaanadiisii waxaanu taageero balaadhan u fidinaynaa in murashaxa madaxweyne xigeenka loo doorto Xaglatoosiye. Haddaa madaxweynaha qaadataan reer galbeedow, madaxweyne xigeenku waa bari. Ma waxaa doonaysaan inaad tidhaahdaan Madaxweynuhuna waa Gebilay, madaxweyne ku xigeenkuna waa Gebilay, taa haddaanu nahay reer bari ma aqbalayno.”

 

Maxamed Tuurtuur oo ka mid ahaa odayaashii halkaa ka hadlay ayaa kor u sii baaciyay aragtida bulshada gobolada bari ee la xidhiidha doorashada murashaxyada madaxweynaha iyo ku xigeenka xisbiga Kulmiye, waxaanuu yidhi;“Wadanku wuu kala go,ayaa haddii Xaglatoosiye la waayo inuu madaxweyne ku xigeen ku soo baxo, madaxtooyaduna galbeed bay istaagaysaa. Fikirkaana waxaanu wakiil kaga nahay shucuubta goboladda bari oo dhan. Sidaa darteed Waxaanu ka codsanaynaa golaha dhexe ee xisbigu inay arrintaa ka fiirsadaan oo Xaglatoosiye doortaan.”

 

Mid kale oo ka mid ahaa odayaashii madashaa ka hadlay ayaa ku wafeeyay hadaladii duqayda ka horaysay weedhan, waxaanuu yidhi;“Haddaanu nahay reer Togdheer waxaanu taageersanahay Muuse Biixi ku xigeenkiisu inuu noqdo Saleebaan Ciise Xaglatoosiye.” Baaqa bulshada Togdheer ka sokow Wasiirka cusub ee hawlaha guud Cali Mareexaan oo shalay hadal ka jeediyay madal magaaladda Hargeysa ah oo Wasiirka caafimaadkuna ka qaybgalay ayaa ku tilmaamay Xaglatoosiye nin shacbiyad badan. “Waxa iga horeeyay oo halkan ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglatoosiye, sacab badan baa u dhacay. Waa nin aad iyo aad u shacbiyad badan, wuxuu ku mutaystay shacbiyaddaa waa nin dhiiran, go,aamo adadag qaatay, oo shaqo badan dalka u qabtay, oo waliba dhul hawl badani ka jirto ka shaqeeya…” ayuu Cali Mareexaan.

 

Wasiirka caafimaadka xaglatoosiye oo laftiisu madashaa ka hadlay waxa weedhihiisii ka mid ahaa oo uu yidhi; “Somaliland waxa lagu kala adag yahay oo laysku riixaa waa cod, taasina waxay keentay horumar iyo waaya aragnimo. Sidaa darteed gobolada Sool, Xaysimo, Buuhoodle iyo Badhan dhamaan waxaan ogahay inay doorashadu ka dhacayso, cod aad u tira badana laga helayo, taasina wax badan ayay bedeli doontaa.” Dhanka kale wasiir xaglatoosiye wuxuu shalay qaabilay taageeradda xubnaha golaha dhexe kaga jira beesha barriga Burco, kuwaasoo aqlabiyad buuxda kalsooni ku siiyay inay codkooda siinayaan.

 

Dhawaaqan reer Togdheer ayaa sii xoojiyay dalabyo ka horeeyay oo ka soo yeedhay dadka goboladda Sool, Saraar, Oodweyne, Buuhoodle, Xaysimo, Badhan iyo Sanaag, kuwaasoo dhamaantoodba si isku mid ah ugu baaqay doorashada Saleebaan Ciise Xaglatoosiye, kaasoo u muuqda yididiilo cusub oo u soo baxday midnimadda qaranka dhul ahaan iyo dad ahaanba, isla markaana miisaanka awood qaybsiga iyo dheeli tirka ku bannaan.

 

Dhinaca kale murrashax Xaglatoosiye ayaa durba loo arkaa awood muuqata oo aan la loodin Karin haddii doorasho xalaal ahi dhacdo, isla markaana madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo loollanka ku xigeenka dhankiisa kaga jira, ayaa la tilmaamay inuu ku indha daraandaray biligta hilaaca Xaglatoosiye, cabsi wayna ka qabo dhankiisa. Cabdiraxmaan Saylici ayaa dadka siyaasadda sooyaalka Somaliland gorfeeyaa ku tilmaamaan madaxweyne ku xigeenkii ugu taabka gaabnaa ee dalka soo mara, isla markaana waxay rumaysan yihiin in aanay jirin sabab loogu xilan karo oo uu mar kale u soo noqon karaa, marka loo eeggo dhaliilaha iyo fashilka taladdiisa ee ku gedaaman, gaar ahaan waxa ka taagan gobolka Awdal iyo kala qaybinta bulshada deegaankaa.

Comments are closed