Xagjiriinta Yemen oo xasuuqay ciidamo kuwa dawlada dalkaas ka tirsan
Xatramut April 02,2012(SDN)-Wasaaradda difaaca ee dalka Yaman ayaa maanta sheegtay in ay dhinteen ilaa todoba askari, halka tiro kalena ay soo gaadheen dhawaacayo, ka dib markii mitidiin islaami ihi weerar kadis ah ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamadaasi la dilay oo ku taal gobolka Xadra Mawt ee koonfurta dalkaasi.
Wasaaradda difaaca dalkaasi waxa ay intaa ku darta y in mitidiintaasi islaamiga ah ay nolol ku qafaasheen askar kale oon ilaa imika tiradooda la xaqiijin, iyagoo waqtiga uu weerarku dhacay ku sheegay waqti adag oo salaadii subax ka horeysay.
Dhinaca kale, waxa weerarkan saaka dhacay ka dembeeyey mitidiinta islaamiga ah ee lagu magacaabo “Ansaar Alshariica” iyagoo ahaa kuwii shalayna weerarka ku dilay ilaa shan iyo afartan askari oo ka tirsan cidiamada qaranka dalkaasi oo ka dhacay gobolka Laxaj.
Waxanaa ciidamda qaranka ee Yaman gacan buuxda ka helaan dawlada Maraykanka oo diyaaradaha aan cidi wadin ku duqeysa goobaha ay ku sugan yihiin mitidiinta islaamiga ah.
SDN-Xadramut