|

“Xagga da’da aniga iyo madaxweynaha farqi baa noo dhexeeya, Aniga xanuunna ima hayo, Da’ aad u weynina ima hayso, markaa waxan isleeyahay…” Guddoomiye Cirro

Hargeysa:April,04,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa Markii ugu horraysay Doodda ka taagan Da’da Madaxweyne Siilaanyo oo dadka qaarkii tilmaamaan inuu gaadhay xilligii uu dalka hoggaamin lahaa.

guddoomiye cirroGuddoomiye Cirro oo u warramayey Hadwanaagnews, ayaa ugu horrayn tilmaamay inuu madaxweynuhu muujiyey inay ka go’an tahay qabashada doorashadu, balse ay hoosta kaga jiraan dad aan taas jeclaynini, waxana uu soo jeediyey in kooxahaas laga hoos saaro oo aanu taladooda qaadan,

“Madaxweyne Axmed madaxweynihii qaranka weeye, oday nabad doon ah  ayaan u aqaanaa waxana aan isleeyahay haddaan belo kale helin waxa uu doonayaa in doorashadii la qabto, waayo marwalba waxa uu ku celceliya inuu diyaar u yahay doorashadii. Qoloyinkaas ku riixaya meel aan wanaagsanayna waxan jecelahay inuu taladooda ka boodo.”

Guddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata, ayaa ku dhiirraday inuu Da’da Madaxweyne Siilaanyo carrabka ku ballaadhiyo, waxan uu ku faanay inuu Da’ ahaan iyo caafimaad ahaanba madaxweyne Siilaanyo aad uga duwan yahay, isla-markaana isku tuhunsan yahay inuu dalka hoggaamin karo, waxana uu yidhi,

“xagga da’da aniga iyo madaxweynaha farqi baa noo dhexeeya, Aniga xanuunna ima hayo, Da’ aad u weynina ima hayso, markaa waxan isleeyahay  shacbiga waad u shaqayn karaysaa in muddo ah.”

Hadalka Cabdiraxmaan Cirro, ayaa imanaya xilli mucaaridku ku celceliyaan inaanu madaxweyne Siilaanyo caafimaadkiisu taam ahay, isla-markaana aanu da’ ahaan ku haboonayn inuu hoggaanka dalka sii hayo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed