XAGEED U SOCOTAA QALIN JABIYE?! MAXAA SABABAY SHAQO LA’AANTAN BAAHSAN?!
Hambalyo Hambalyo Hambalyo ,,,, Qalinjabiye ,,, waa erayada aadka loo maqlo xafladaha badan ee ka dhacad dalkeenaa, kuwaasoo sanadba sanadka ka danbeeya soo badanaya, sababta ay u soo badanayaana laga war hayo.
Xafladihii way bateen, waxa la bartayna waa la garanaya, cidda loo bartayna si fiican ayaa loo og yahay, se ma u baahanahay, mise uma baahnin waxa la bartay, iyadoo aynaan maanka ka saarayn sida aynu ugu qanacsanahay inay tahay waxbarashadu mustaqbalka qofka iyo bulshadaba.
Qalin jabiye jaamacadeed, oo muddo aan ka yarayn 12 sano – immika qaar ka yarbaa jirabee – waxbarasho soo waday, ma hayaa talaabadii uu ku gaadhi lahaa hankiisa iyo himiladiisa, se maxaa hortaagan?
Su’aasha sanad kasta la is waydiiyaa xafladaha qalinjabinta dabadeed, maxaa ka dambeeya xafladan? Ma waxaad galaysaa Koomo Qurux badan mise mid fool xun? Ma shaqaad heli mise waad iska fadhiyi? Waxa uu la kulmayaa qalinjabiyuhu nolol dhab ah oo aad uga qadhaadh tii uu ku riyoonaayay.
Xafladaha qalinjabinta waxa ka hadla masuuliyiin, ganacsato, aqoonyahano, iyo wadaado, dhamaantoodna kama hadlaan waxa jira, iyo wadada soo awdan ee badanka qalin jabiyaayaasha ka hor timaada, waxaabaad moodaa inay leeyihiin Ilaahay dib nooma kiin tuso !!!
Qalinjabiyuhu maalinta jaamacada ugu dambaysa, shaqo ayuu raadsadaa, shaqadaasoo la xidhiidha waxa uu soo bartay, qofka helaa nasiib badan ayuu leeyahay, badanka qalinjabiyuhu se kuma shaqeeyo waxa uu soo bartay, ta ka sii daranba waxay tahay marka uu helo shaqo, lama siinayo qalinjabiyaha mushahar haraadkaba ka bi’iya, oo uu nolol fiican ugu noolaan karo.
Haddaba waa maxay sababta shaqo la’aanta baahsan ee dalkeenan haysataa, maxay sababtay shaqo la’aantu, qaabkee ayaa loo dawayn karaa?
Shaqo la’aan, waa qofka gaadhay da’ gaar ah, awoodana inuu shaqaysto, raba sidoo kale inuu shaqaysto, kuna shaqaysto waxa uu soo bartay iyo mushahar nolol fiican gaadhsiin kara.
Maxaa sababay shaqo laa’anta baahsan ee dalkeena:
- Koritaanka caruurta, oo aan waayadan dambe lagu dhiiri galin waxbarashada.
- Waxbarashada dalka oo guud ahaan hoos u dhacday, taasina ay sababtay in dhalintu la kulanto iskuulo, macalimiin, iyo maamul aan tayo lahayn, dhamaantoodna ay eeganayaan shilinka, sidoo kalena lagu fakarayn mustaqbalka caruurta iyo bulshada.
- Horumarin la’aan haysata manaahijta dalka, iyo iskuulada ajaanibka ah oo laga qiimeeyo kuwii dalka, taasina ay sababtay in uu yimaado isku hor-imaad aqooneed.
- Joogitaanka macalimiin ajaanib ah oo aan garanayn, diinta, dhaqanka, iyo afka bulshada ay ku dhex nool yihiin, faafinayana aragtiyo waxbarasho oo aanay caruurta iyo bulshadu midna fahmayn.
- Dhalinta oo iska kibrinaysa shaqooyin badan oo dalka yaala oo ay ajaanib qabtaan, dhamaantoodna jecel inay xafiis qabow fadhiistaan, hawl badana aanay soo gaadhin.
- Qabyaalad baahsan oo saamaysay xafiisyadii dawlada, iyo ganacsiyadii gaarka ahaa, taasoo aan lagu salaynayn shaqooyinka, qofku muxuu bartaye, se la odhanayo waa qabiilkee.
- Fashilaad ku timi siyaasadaha dawladeed ee cidhib tirka shaqo la’aanta iyo ka faaiidaysiga khayraadka dalka, sidoo kale gaabis badan oo ku jira horumarinta bulshada.
- Ajaanib dalka ka soo buuxsamay, oo 90% waxay ka shaqeeyaan, si fudud uga shaqayn karaan dhalinta dalka joogtaa.
- Bood boodka shaqo ee haysata dhalinta shaqaysa, kuwaas oo cidhiidhi galiyay, dhalinta shaqo la’aantu haysato, oo ay ku qabsanayaan boos kasta oo banaanaada.
Haddaba Shaqo la’aanta Baahsan maxaa ka dhashay (waa maxay Natiijooyinkeedu):
- Niyad jab badan oo ku yimi dhalin yarta, iyo xanuuno nafsi ah.
- Korodh ku yimi danbiyada dhaca, sida dilka, tuugada, kufsiga, iyo boobka.
- Balwadaha oo noqday hoyga kaliya ee la isku dhaafin karo shaqo la’aanta jirta, sida Qaadka, Sigaarka, Khamriga iyo ta immika cusub ee Xashiishada, oo fududaatay sida loo helaa.
- Wadaniyadii oo yaraatay, oo aad moodo qofku inaanu halkanba u dhalan, iyo nacayb badan oo dhex yaala bulshada.
- Tahriibka – aafada soomaalida – oo aad u batay, ka dib markii dhalintii debedaha ka yimi laga saraysiiyay kuwii dalka joogay, gaar ahaan qurba-jooga caydha qaata!! qadarinta iyo ixtiraamkuna noqday passport ka qofku sito, ee aanu noqon muxuu soo bartay.
- Dayaca badan oo haysta khayraadka dalka yaala, iyo miisaniyadaha dawladu ugu talo gashay dhalinta iyo shaqo abuurka, kuwaasoo ku dhaca jeebab gaar ah.
- Ajaanibka oo aan su’aal ba la waydiin ee madaarkuun laga soo dajiyo, qiimaynna lagu samayn, talow muxuu soo bartay, se cid garanaysa waxan uu bartay oo dalka joogtaa miyay jirtaa.
- Jaamacado badan oo ganacsiyo loo furtay, tayadooduna aad u hoosayso, dawladuna aanay qiimayn ba ku samayn, la is waydiina, waxa lagu bartaa dalka ma anfacayaa?
Waa maxay xalka shaqo la’aantu? :
- Waa in caruurta iyo dhalinta lagu dhiiri galiyaa waxbarashada lagana war hayaa halkay wax u marayaan mar kasta.
- Tayayn lagu sameeyo waxbarashada dalka oo laga saaro qaabkan ganacsi ee ay noqotay, dibna loo eegaa manaahiijta dalka taala.
- Waa in iskuulada manaahiijta ajaanibka ah dalka laga joojiyaa, ama wax laga badalaa, si dhalinta iyo caruurta loo baro dhaqanka dalka iyo dadka.
- Waa in la furaa iskuulo Technical ah, oo lagu baranayo aqoon xirfadaysan.
- Waa in dhamaan la joojiyaa macalimiinta ajaanibka ah ee dhiga dhamaan qaybaha kala duwan ee heerarka waxbarasho, laguna badalaa macalimiin dalka u dhalatay, garanaysana cilmiga ay dhigayaan, (ileen lama waayine).
- Dhalinta waa inay isku taxalujiyaan inay bartaan dadka ajaanibka ah ee dalka joogaa waxay qabtaan nooc kastaba ha ahaatee, kuna dadaala inay ka jibo keenaan waxay bartaan.
- In ay dhalintu iska daayaan kibirka, caajiska iyo isla waynida oo ay ka soo bilaabaan xaga hoose iyo shaqooyinka adag, si ay khibrad iyo aqoon u faaiidaan.
- In laga bilaabo dawladu ay joojisaa qaabka foosha xun ee shaqaalaysiinta ku salaysan qabyaalada iyo oday keenka, oo la arkaa dawlada oo imtixaano u qaadaysa boos kasta oo banana ama ha waynaado ama ha yaraadee. (Caaqil (Jaahil) siduu Aqoonyahan u Hor-galaa!!!)
- Cidhib tirka shaqo qabyaaladeedka baahsan, waynu ognahay inta nin ee ilmaadeeradii xumeeyeen shaqadana kaga ciyaareen, laguna badalaa aqoonta uu qofku leeyahay.
- Waa in dawladu kordhisaa misaaniyada cidhib tirka shaqo la’aanta, dajisaana qorshayaal dhaqaale kordhineed oo lagu abuurayo shaqooyin badan.
- Waa in dawladu samaysa muddo kooban oo qofku bilaash ugu shaqaynayo xarumaha dawlada ama ganacsiyada gaarka ah si uga faaiido khibrad, (Civil Service).
- Waa in wasaarada shaqadu diiwaan galin ku samaysaa ajaanibka dalka jooga, oo ay samaysaa kormeerayaal shaqaale, dalkana ka saartaa ajaanibka shaqadooda dhalinta dalka joogtaa qaban karto, sida macalimiinta.
- Waa in ganacsadayaashu maal-gashi u sameeyaan dhalinta kuwaasoo amaahinaya lacag ay ku bilaabaan ganacsiyo gaar ah oo yar yar.
- Waa in xeerarka shaqo iyo shaqaale ee dalka la abuuraa si loo kala saaro is-qabsiyada shaqo ee ku yimaada dhalinta. Shirkadaha iyo shaqaaluhuna aanay u waayin xuquuqdooda.
Waxa aan kula talinayaa qalinjabiyaha iyo dhamaan dhalinta aan wali shaqo helin, waxbarashadu ma dhamaato, sidoo kalena shaqadu ma dhamaato, ee qofka ayaa dhamaada, waa in aanad joojin waxbarashada oo aad wax u akhrisataan, nooc kastaba ha ahaadee, iskuna daydaa inaad ku shaqayso lacag la’aan bilawga si aad u fahanto nooca shaqada iyo deegaanka ku xeeran.
Sidoo kale waa inaad ka shaqaysaan arrimaha bulshada ee baahida badani inoo hayso, lana soo celiyaa ururadii dhalinyarada ee ku shaqayn jiray lacag la’aanta iyo niyad wanaaga.
Hadii dawlada iyo ganacsatada dalka joogtaa ay eegtaan sanad kasta dhalinta faraha badan ee soo qalin jabinaysa, ee aan loo hayn shaqooyin, dalkeena waxa ka dhici doona kacdoon dhalinyaro shaqo raadis ah, sidaa aawadeed waa in immikaba dawlada, ganacsatada, iyo aqoonyahanadu masuuliyad iska saaraan dhalintan shaqo la’aantu hayso.
Qofina qof kale kama nasiib badna ee wuu ka diyaar garaw fiican yahay, markay fursadu timaadona waxa soo if baxa diyaar garawgiisii iyo dadaalkiisii ka dibna wuu ka faaiidaystaa.
Talooyinkiina iyo Tusaalihiina aad baa loogu baahan yahay.
Waad Mahadsantihiin.
Eng Mohamed Omar
0634480830