Xagal-daaca Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland,Wasiir Sacad Cali Shire Iyo Ambassador Cawil Cali Ducaale oo Ku Sugan Addis Ababa
Hargaysa 27. January, 2016-(SDN/QJ) :– Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire ayaa shalay u socdaalay dhinaca dalka Itoobiya, halkaasoo la filayo inay wadahadalo kula yeelan doonnaan dawladda Itoobiya.
Weftiga Wasiir Sacad oo isla shalay gelinkii dambeba gaadhay magaaladda Addis Ababa waxa xubno ka ah Wasiirkii hore ee maaliyadda Cawil Cali Ducaale oo dhawaan madaxweyne Siilaanyo u magacaabay la taliyihiisa siyaasadda arrimaha dibadda iyo saraakiil kale oo ka mid ah wasaaradda arrimaha dibadda. Socdaalka weftigan ayaa la filayaa inuu la xidhiidho arrimaha siyaasadda khaarajiga iyo xidhiidhka Somaliland iyo caalamka oo haatan lagu tilmaamo mid aad u hooseeya, oo maraya heerkii u hooseeyay.
Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Sacad Cali Shire ayaa la filayaa inuu horaanta bisha soo socota u socdaalo dhanka dalka Masar.