|

Xafladii Caleema Saarka iyo khudbadii Madaxweynaha cusub oo sawir ka bixiyay marxalada dalku galay

Muqdisho Sept 17,2012(SDN)-Xafladii caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud iyo khudbadii uu halkaa ka jeediyay ayaa sawir ka bixiyay isbedelka siyaasadeed ee dalku haatan galay.

Munaasibada oo lagu casuumay madaxda kala duwan ee dalka iyo dalalka jaarka ayaa waxa aan ka soo xaadirin masuuliyiin ka socotay dalaka Kiinya iyo maamul goboleedka Puntland.

Dalka Kiinya ayaa la sheegay in madaxweynaha cusub ay dhawaan isku maan dhaafeen cida noqoneysa raiisul wasaaraha dalka.

Kiinya oo dhawaan Muqdisho u soo dirtay wasiirka arrimaha dibedda ayaa waxa uu madaxwenaha cusub u guddbiya rabitaanka dawladiisa ee ku wejahan in raiisul wasaare uu Soomaaliya ka noqdo Cabdiweli Gaas,dalabkaas ayuu madaxweynuhu ka gaabsaday.

Sidoo kale waxaa xafladii aan ka soo xaadirin isna madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Md Cabdiraxmaan Faroole.

Arintan ayaa siyaabo kala duwan loo fasirtay siyaabo dhawr ah oo ay ugu muhiimsan tahay in madaxweynuhu aanu ku qanacsaneyn sida ay wax u socdaan.

Khudbadii madaxweynaha ayaa qudheeda waxa lagala soo bixi karaa dhawr arrimood oo ay ugu muhiimsanaayeen in aanu u mahadcelin ciidamada AMISOM,iyo ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

Taa waxa lagu sifeeyay iyana in madaxweynuha cusubi uu doonayo in siyaasadiisu ka mdax banaanaato Mahiga.

Si kastaba ha ahaatee waxa munaasabadii caleema saarka madaxweynaha cusub iyo khudbadiisiiba laga dheehan karayay isbedelo muhiima oo dawlada cusub sawir ka bixinaya.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed