Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagu soo dhaweynayey R/wasaaraha DFS Mudane C/weli shiikh axmed iyo waftigii uu hogaamina ayaa waxa ay ka dhacadey bartamaha magalada london ee dalka ingariiska.
London20Sep14(SDN?QJ) Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagu soo dhaweynayey R/wasaaraha DFS Mudane C/weli shiikh axmed iyo waftigii uu hogaamina ayaa waxa ay ka dhacadey bartamaha magalada london ee dalka ingariiska, xafladan oo qurbejoog ay goob joog ka ahayd Waxaa xafladan ka hadlay dad aad u kooban waxa lagu soo dhaweyey wasiirka warfaafinta DFS Mustafe Dhuxuloow,oo isna ku soo dhaweyey R/wasaaraha dawlada Federalka ee soomaliya mudane C/weli Shiikh axmed oo halkaas qodba dheer ka jeediyey.mudadii ay xafladu sacotay ayaa waxa dhacday is qabqabsi xaga maamulka taas oo lagu xaliyey is afgarad.
Inkastoo waqtiga uu aad u yaraa oo dad badan oo doonayey ineey hadlaan aanay u suuragalin oo la saarey tarabuunka habeenlkii xalay ahaa oo aanay u suuragalin ineey madasha ka hadlaan ayaa hadana dhanka kale waxaa intaanay xafladu bilaaban yara muran dhex marey qaban qaabiyayaashii xaflada iyo laba nin oo aad igu haysta Guddoomiyenimada jaalliyada soomaaliyeed ee london, mid walbanadoonayey inuu salka la helo halka marti sharaftu fadhidey .
halkan ka daawo qaybo ka mida sawirada.