Xaflad Lagu Taageerayo Murashaxnimada Madaxweyne Ku Xigeenka WADDANI ee Dr.Maxamed Xaaji Cali oo Hargeysa Ka Dhacday+ Murashaxiin Tira Badan oo uga Tanaasulay Hankoodii Murashaxnimo+ SAWIRO+DAAWO
Hargaysa 15.October 2016 (SDN/QJ):-Munaasibad aad u ballaadhan oo lagu taageeraayey Murashaxnimada Dr.Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo u sharaxan jagada Madaxweyne ku xigeenimo ee Xisbiga WADDANI sida oo kale na ay ugu tanaasulayeen siyaasiyiin hore u shaaciyey hankooda murashaxnimo ee Xisbigaasi, ayaa xalay ka qabtoontay hotel Safari ee Hargeysa.
Waxaana ka soo qeyb-galay Diblomaasi sare/Dr.Maxamed Xaaji Cali, xoghayaha warfaafinta Xisbiga WADDANI Cabdirashiid Xasan Mataan, Pro.Qaasim Saleebaan Tubeec oo ka tirsan hoggaanka Xisbiga, Xasan Xuseen Codyare, siyaasiyiin, murashaxiinta u tanaasulay, madax-dhaqameed, wax-garad iyo weli ba taageerayaal aad u tira badan oo iskugu jira haween iyo dhallinyaro.
Xoghayaha Warfaafinta WADDANI Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan iyo siyaasiyiin kale oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood ba halkaas kaga dhawaaqay in ay hankoodii Murashaxnimo ee Madaxweyen ku xigeenka WADDANI ay uga tanaasuleen Diblomaasi/Dr.Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo ay sheegeen in u arkeen in uu yahay ninka ugu mudan ee buuxin kara kaalinta Madaxweynenimo ku xigeen ee Xisbiga sida oo kale na aan noqon doonin nin duda ama qol isku soo xidha.
“Xisbiga tallo-wanaagiisa ayey ku jirtaa in la isu tanaasulo, oo qof la wada dhiso, mucaaradku haddi uu kala qeyb-samana waxa ku yimaada dhibbaato weyn sidaas darteed waxa farxad noo ah in la soo koobay murashaxiintii, waxa aynu u baahan nahay in murashaxa aynu dooranaynaa uu maslaxad u yahay dalka iyo dadkan ba, jagada Madaxweyne ku xigeenku maaha jago sahlan, waa Madaxweynaha berito, waa qofka la rabo haddii tii Alle ba timaado in uu dalkan ka noqdo Madaxweyne oo uu ina hagi karo, waa in uu noqdaa qof leh aqoonteedii, waa in uu ahaadaa qof leh kartideedii, waa in uu noqdaa qof leh waayo aragnimaddeedii, waa in uu noqdaa qof leh dad dhex-galkeedii, waa in uu noqdaa qof leh dhaqankeedii, diinteedii iyo asluubteedii, waa in uu noqdaa qof leh waxa ugu mudan oo ah dulqaad, Dr.Maxamed Cali Cabdi, waxa farxad noo ah in aanu intaa ba aanu ku siffeyno, waa nin intaa ba ku siffoobay, waa nin dulqaad leh uu dalka ku hoggaamiyo, waxa aan cod dheer ku sheegaynaa in aanu taabacsan nahay, dhisayo, lana halgami doono haddii Alle yidhaahdo Ambassador Maxamed Cali Cabdi, sababtu na waxa weeye waxa aan u arkaa in uu yahay nin hoggaamin kara dalkan, hoggaaminta dalka na ku garab gali kara Cabdiraxmaan Cirro Madaxweynenimada, u na noqon kara mid ka duwan Madaxweyneyaal ku xigenaddii ina soo maray, Maxamed ma noqon doono nin qol ku xidhan iyo nin duda mida na se waa nin kaalintiisa ka soo bixi doona oo dalka la maamuli doona Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.”.Ayey Cabdirashiid Xasan Mataan.
Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedkii, Haweenkii iyo Dhallinyartii ka soo qeyb-galay madashaasi oo hadalo kooban halkaas ka jeediyey, ayaa iyagu na dhankooda sheegay in ay taageero hiil iyo hooba ah ay la garab taagan yihiin Murashax Maxamed Xaaji Cali, waxaana ay tibaaxeen in uu yahay ninka kaliya ee u qalma in ay u cugtaan qaranka Somaliland oo ah ba yidhaahdeen Aqoonyahan dal iyo dad yaqaan ah.
Dr.Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in siyaasiyiin tira badan oo hanleh ay uga tanaasulaan Murashaxnimada madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga WADDANI, waxaana uu farta ku fiiqay in uu rajeynaayo in uu qeyb ka noqdo Isbedelka uu Xisbiga WADDANI ku doonaayo in uu dalka ku horumariyo Isbedel khayr qaba oo ku dhisan Caddaalad iyo Sinnaanshiyo.
“Anigu waxa aan ka mid ahaa aas aaseyaashii Xisbiga WADDANI, waxa ku tala-galkayga iyo rajadeydu ba ay ku salaysnaayeen dalka Somaliland in uu gaadho nolol iyo siyaasad ka duwan ta hada taagan ee lagu hago ee horseed na ay ka tahay dawladda KULMIYE, haddii ay rejo jirto nolol baa jirta, Somaliland na maanta suuqyada iyo meelaha la iskugu yimaado rejo la’aan bay dadku kuu muujinayaan haddii rejadu dhimata na nololi ma jirto, wadanku na jiri maayo, nabad galyana jiri mayso oo waa la baa’ba ayaa.Xisbiga WADDANI na waa uu guulaysanayaa yee haddii uu guulaysto, ku tallo-galkiisu waxa weeye in uu horseedo nolol iyo nidaam kan maanta dhaama, anigu na waxa aan rajeynayaa oon u taaganahay ugu na tartamayaa jagada Madaxweyne ku xigeenka WADDANI in aan ka qeyb-qaato hoggaan caafimad qaba oo dalka u horseeda cadaalad marka ugu horreysa, waayo caddaaladdu waa waxa bani’ aadmiga iyo wixii nool ba u fiican ee lagu noolaan karo dalna ku jiri karo. waxa kale oon halkan uga mahadcelinayaa ragga tira badan ee munaasibaddan dhexdeeda ku shaaciyey in ay aniga ii tanaasuleen Murashaxnimaddaydii oo ay idhisi doonaan.”.Ayuu yidhi Dr.Maxamed Xaaji Cali Cabdi