|

Xaflad lagu soo dhawaynayey wasiirka macdanta iyo biyaha somaliland iyo fadexad ka dhalatay Talafashan Carabiya goobtii ka dubtay Decomanti ka hadlaya shirka Somaliya iyo gudiga qaban qabada oon ka war hayn

London Mar 23,2013(SDN) Xaflad ay soo qaban qabisay safarada Somaliland ee Uk ayaa waxay ka dhacday galbeeka London, xafladan oo maqaamkeedu aad u hoseyo ayaa lagu soo dhawayey wasiirka macdanta iyo biyha somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale.

Xaflada ayaa waxa isagu yimid tiro koban oo reer Somaliland ah oo u badneyd taageereyaasha Kulmiye ayna ka muqato in ay khilaaf ka dhex abuureen jaaliyada.

Intii ay socotay xafladu ayaan waxaan madasha ka muqan gudi qaban qabiseysa xaflada iyada oo qof walba is waydiyo sida ay wax u socdaan.

Xaflaadii oo bartanaka socata ayaa waxa soo galay Tv aan la aqoonsan cida uu yahay oo ka dubay goobta dadkii fadhiyey muuqaalo iyada oo dad badani is waydiyeen waxa loola hadli wayey ragan duubanaya kamarada tvga.

waxa ay ila noqtay inaan ragii aniga ka saxafi ahaan in aan waraysto TVga ay ka socdaan iyo sababta ay u yimaadeen?,waxa ay iii shegeen inay yihiin tvga Aljazera ee ku hadla afka carabiga ayna u dubayaan Decomanti shirka Somaliya loogu qabanayo  bisha May.

Intaas ka dib ayaa waxan waydiye gudiga qaban qabada cid ma ka aragteen waxay ii shegeen inanay cidna kala kulmin sidana ay ku dhamaysteen hawshodii.

Waxa ii surto gashay inaan waydiyo qaar ka mida  gudidii qaban qabada cida tvga Aljessira casuntay,waxay ii shegeen inanay waxba kala socon ee la waydiiyo safiirka.

Madaxa tvga  Qaranka somaliland ayaan waydiyey cida cansuuntay AlJassira TV waxa uu ii shegay inanu waxba kala socon.

Waxa iyana xusid mudan in gudiga qaban qabada nin odaya oo ku hadlayey magacooda isla markaana sheegay in uu yahay Oday dhaqameed uu aflaagaado u geestay websadyada Tabaruca ummadda ugu shaqeeya tabaruca.

Xafladan oo dad badani ay is waydiyeen in ay tahay mid jaaliyadu ku kala qaybsan tahay ayaa waxa goobta Aflaagado kaga hadalay Wasiirkii Hore ee Kalumaysiga ee Somaliland oo ku hadalyey afka xisbiga kulmiye isaga oo dhaliil iyo edayn u soo jediyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng faysal  cali warabe iyo Gudoomiye ku xigeenka Sadexaad ee xisbiga Mujaahid Cali Gurey.

Waxa jawaab kulul ka siyey Siyaasiga Ibraahim Talaabo oo goobta ku sugnaa, xafladan ayaa sumcad xumo u soo jiidasa madaxda somaliland oo goobaha ay kula hadlayaan jaalliyada anu maqamkedu sarayn iyo miisaska la dhigo iyo calanka somaliland oo aan la surin.

 

 

 

 

 

 

Qurbejoog.com

Uk London

Comments are closed