|

Xaflad lagu daahfuraye​y Xafiiska Mu’asasada Al-Minhaaj oo ka dhacday Galdogob

Galdogob Nov 03,2014(SDN/QJ)- Xafladaani oo ujeedkeedu ahaa sidii Bulshada Degmada Galdogob loo bari lahaa Mu’asasada Warbixin dheeri ahna loga siin lahaa Hawlaha ay qabato ayaa waxaa ay ka dhacay hoolka sare ee Masajidka Jaamica ah ee Degmada Galdogob.

Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada , madax dawlada Puntland kasocotay , wufuud Culumo ah oo ka kala yimid Boosaaso , Gaalkacyo , Bursaalax iyo Daarasalaam.

Sh Mahad C/laahi oo kamid ah Culimada ugu waawey Gobolka Mudug ayaa xafladda ku furay hadalo uu ku soo dhaweeynayay marti sharaftii xafladda kasoo qayb gashay.

Sh Maxamed Macalin Axmed oo kamid ah culimada waaweyn ee somaliyeed oo kamid ahaa Wufuudii u timid ka qaybgalka Xaflada ayaa Dadkii Xaflada joogay hadalo qiimo badan madasha kasoo jediyay waxuna kahadlay ilalinta deegaanka , furida wadoyinka magaalada , iyo in la taageero mashruca waddada galdogob ilaa galkacyo.

Sheekha iyo culumadii la socotay ayaa intay joogeen Magaalada sameeyey Abaabul Dacwadeed oo balaaran sida Muxaadaraad caam ah iyo booqashooyin ay ku sameeyeen qaybo kamid ah goobaha waxbarashada iyo isbitaalka guud ee degmada.

Waxaa sidoo kale kamid ahaa dadkii Xafladda kahadlay gudoomiyaha mu’assasada Al-Minhaaj Galdogob Sh Axmed Dheeli oo sheegay in uu xafiskaan kashaqayn doono Horumarinta Dacwada iyo Arimaha Bulshada Degmada Galdogob.

Gudoomiye ku xigeenka Mu’assasada Al-Minhaaj(Puntland) Ciise Siciid Max,ed ayaa Xaflada kasoo jeediyey warbixin qoto dheer oo uu uga hadlayey Taariikhda iyo waxqabadka mu’assasada Mudadii ay dhisnayd lagasoo bilaabo sanadkii 2011.

Waxaa kale oo kamid ahaa Dadkii Xafladda kahadlay Gudoomiyaha Guurtida Sh.Maxamud Yusuf Muuse , Nabadon Maxamed Afjabay , Sh. Muuse Yuusuf Xaaji , Sh, Max’ed Siciid Gudoomiyaha Mu’assasada ee gobolka Mudug, Gudoomiye kuxigenka Degmada C/risaaq Tooxyare , Gudomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigay iyo Wasiiru Dawlaha Wasaarad Arimaha Gudaha ee Puntland Cali Yusuf Jaamac oo shirka soo xiray.

Dhamaantood waxay hadaladooda ku sheegeen inay soo dhawaynayaan xafiiska Mu’assada lana shaqaynayaan.

Gaari loogu tala galay inuu u shaqeeyo Dacwada ayaa Sh.Mahad C/laahi waxaa uu ku wareejiyay Gudoomiyaha Mu’asasada ee Degmada Galdogob Sh.Axmed Dheeli

Xafladda ayaa kusoo dhamaatay jawi qurux badan oo ay u wada riyaaqeen dhamaan kasoo qaybgalayaashii , waxaana la filayaa in Xafiiska Mu’assasadu uu wax wayn ka qaban doono Dhinaca Dacwada Degmada iyo Deegaanada hoos taga , iyo waliba Horumarin Bulshada.

 

 

Xafiiska Warbaahinta ee Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Mudug

 

 

Comments are closed