Xafiiskii Wasaaradda Warfaafinta Ee Gobolka Awdal Oo Albaabada Loo Xidhay & Qalabkii lagu Shaqeynayay Oo Loo Haysto Kiradii Guriga
Boorama 16.Aug 2016 (SDN/QJ):-Xafiiskii wasaaradda Warfaafinta, dhaqan iyo wacyi-galinta Somaliland ee Gobolka Awdal, ayaa bishan u xidhan Kiradii laga bixin jiray Guriga xarunta u ah Telefishanka Qaranka iyo Idaacada Radio Hargeysa.
Xafiiska ayaa wasaaradda warfaafinta ugu kireysnaa Lacag dhan $300 waxaana la sheegayaa in Mulkiilaha Guriga iska leh aan la siin lacagtii kirrada 8 bilood ee sanadkan.
Wariye ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo magaciisa ka gaabsaday arrimo la xidhiidha amniga shaqadiisa ayaa wargeyska Himilo u xaqiijiyay in xarunta Telefiishanka Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa la xidhay 3-dii bishan aynu ku jirno ee August kadib markii uu mulkiilaha gurigaasi ku wargaliyay Isu-wadaha wasaarada inuu xidhay xafiiska Wasaaradda Warfaafinta, maaddaama aan la siin lacagtii kirada.
Weriyuhu, Waxaa kale oo uu sheegay in qalabkii ay ku shaqeynayeen Wariyeyaasha Gobolka Awdal loo haysto Kiradii Gurigaasi oo lagu xidhay xarunta markii albaabada loo laabayy, balse ay imika ku shaqeeyaan kamaradaha iyo qalabka warbaahinta kale ay kasoo qaataan si ay wararka ugu diraan Telefishanka Qaranka iyo idaacadda Radio Hargeysa.
Dhinaca kale, Wargeyska Himilo oo la xidhiidhay agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Maxamed Ilkacase si aan wax uga waydiino sababta rasmiga ah ee loo xidhay Xafiiskaas ayaa sheegay inaanay wali soo gaadhin xafiiska wasaaradda warfaafinta warbixin dhameystiran oo la xidhiidha xidhitaanka xarunta Gobolka Awdal.