XAFIISKA XIDHIIDHKA JAALIYADAHA JSL OO KA CODSADANAYA Dr. CABDIRAXMAAN UBAXLE INUU KA NOQDO GO’AANKII UU ISKA CASILAY,DIBNA U SOO MAGAACAABAY
Hargeysa Mar 12,2013(SDN)-Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cali markuu tixgeliyay kaalinta firfircoon iyo doorka aad ku lahayd hawlaha abaabulka iyo isku xidhka jaaliyadaha Somaliland ee dalalka Europe taasoo waxtar badan ugu fadhiday Xafiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL iyo guud ahaan qaranka Somaliland dhinaca iskaashiga iyo midawga |Jaaliyadaha ee qadiyadda gooni isutaagga JSL iyo horumarka dalka, wuxu ka codsaday Dr. Cabdiraxmaan Ubaxle inuu ka noqdo go’aankii uu hore u qaatay ee uu iska casilay xilkii Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Somaliland Europe, waxanu guddoomiyuhu dib ugu magacaabay Cabdiraxmaan Ubaxle isla xilkaas isagoo uga mahadcelinaya wada shaqayntii hore iyo kaalintaadii daacadnimada iyo wadaninimadu ku dheehnayd oo uu ku sifeeyay Guddoomiyuhu in wakhti kasta iyo tacab kasta oo Ubaxle geliyay danaha Somaliland aanay ahayn waxka lumay ee taarikhu suntayso, lana illaawi doonaan.
Waxanay u dhiganyahay qoraalka rasmiga ah ee ka maanta ka soo baxay Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL sidan hoos ku cad:
Ku: Laamaha Warbaahinta
Og: Dr. Cabdi-raxmaan Cali Ubaxle
Og: Jaaliyadaha Somaliland ee Europe
Ujeeddo: War Saxaafadeed.
Tirxraac waraaqda ku taariikhaysan 13kii February 2013 ee warbaahintu shaacisay, ujeedadeeduna ahayd is casiladdaa Cabdiraxmaan Cali Ubaxle.
Markaan tixgeliyay kaalinta firfircoon iyo doorka aad ku lahayd hawlaha abaabulka iyo isku xidhka jaaliyadaha Somaliland ee dalalka Europe taasoo waxtar badan ugu fadhida Xafiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL iyo guud ahaan qaranka Somaliland dhinaca iskaashiga iyo midawga |Jaaliyadaha ee qadiyadda gooni isutaagga JSL iyo horumarka dalka, waxan kuu soo gudbinayaa qoraalkan inaan Xafiiska Xidhiidhku Jaaliyaduhu wali kaa aqbaalin is casilaaddaas, isla markaana aannu kaa codsanayno inaad ka noqoto go’aankan oo aad sii waddo hawshii aad qaranka u haysay oo muhiim ah.
Waxan kaaga mahadcelinayaa wada shaqayntii iyo kaalintaadii daacadnimada iyo wadaninimadu ku dheehnayd, wakhti, tamar iyo taageero kaleba intaad wadaankaaga u hibaysay waa mid aan kaa luminayn marnaba, waxanan kaa rajaynayaa inaad naga aqbali doonto codsigan.
Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL wuxu u taaganyahay kobcinta xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland iyo doorkooda waxqabad ee dalka JSL.
Allaa Mahad Leh
Maxamuud Cabdiraxmaan Cali
Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha