|

“Xafiiska Xeer ilaalintu Wuxuu Ku Guul-dareystay Inuu Maxkamadda Hor-geeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Aanu Ka Dacweynay..” Guddoomiyaha SOLJA

Hargeysa, 21 June, 2016-(SDN/QJ):– Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka ku eedeeyay inay ka gabbadeen inay Maxkamadda horgeeyaan Wasiirka Arrimaha gudaha oo SOLJA ka gudbisay Dacwad.

SOLJAGuddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo dood adag la dhex dhigay Xeer ilaaliyaha Gobolka Maroodi-jeex Mr. Mowliid, ayaa sheegay in Xafiiska Xeer ilaalintu ku guul-dareystay inuu Maxkamadda hor-geeyo Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo horaantii Bishii May Ilaaladiisa gaarka ahi Afduubeen Weriye Cabdifataax Caarshe oo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawl-gala Hargeysa, laakiin taa beddelkeeda Xeer ilaalintu si aan Sharci ahayn Dacwad ugu oogayaan Wargeysyo badan oo ka soo baxa Hargeysa.

 

“Waxay Dacwadi ku socotaa Wargeysyada kala ah Ogaal, Foore, Hubsad iyo Codka Shacabka.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha SOLJA, waxaanu intaa ku daray, “Laakiin, Xafiiska Xeer ilaalintu wuxuu ku guul-dareystay inuu Maxkamadda hor-geeyo Wasiirka Arrimaha gudaha oo aanu ka dacweynay.”

 

Hasa-yeeshee, Xeer ilaaliyaha Gobolka Maroodi-jeex Mr. Mowliid oo isaguna difaacayey eedaha uu Guddoomiyaha SOLJA u jeediyey Xukuumadda iyo Xeer ilaalinta Guud, ayaa ku dooday, “Wargeysyada waxaanu ku haynaa inay faafiyaan Borobagaando iyo inay Dadku Dawladda ka hor-yimaaddaan, waxa kale oo aanu ku haynaa inay ku shaqeeyaan Ruqsad la’aan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka hal-celinaya eedda Xuuto ah in Xeer ilaalintu ay Maxkamadda geyn kari wayday Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaanu sheegay in Xafiiskoodu u siman yahay Madaxda Dawladda iyo Shacabka.

 

Guddoomiyaha SOLJA iyo Xeer ilaaliyaha Gobolka Maroodi-jeex, waxa doodda ka dhex dhigtay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

Comments are closed