Xafiiska Universal TV Muqdisho oo loo fasaxay howlahiisa Iyo Mas’uuliyiinta Xafiiskaas oo ka hadlay
Muqdisho 12. Oct 2015 (SDN/QJ)- Xafiiska Telefishinka Universal ee magaalada Muqdisho ayaa dib u bilaabay howlihiisa shaqo kadib markii ay xireen ciidamada dowlada Soomaaliya 2-dii bishan Oktoobar.
Talaabadan ayaa ka dambeysay markii ay wadahadal yeesheen wasaarada warfaafinta ee xukuumada federaalka Soomaaliya, maamulka Telefishinka Universal iyo saraakisha hay’ada nabad sugida qaranka.
Agaasimaha Telefishinka Universal ee Bariga Afrika Cabdulaahi Xersi Kulmiye ayaa saxaafada u sheegay in markii la sii daayay ay dadaal u galeen sidii uu xafiiska Universal ee magaalada Muqdisho uu dib ugu bilaabi lahaa howlhiisa shaqo taasoo uu sheegay inay suurta gashay.
Wuxuu intaas ku daray in wadahadal dhexmaray wasaarada warfaafinta, hay’ada nabad sugida qaranka iyo maamulka Unversal TV, in leysku raacay in TV-ga uu ka qeyb qaato wacyigellinta bulshada iyo nabada.
Agaasimaha Telefishinka Universal ee Bariga Afrika Cabdulaahi Xersi wuxuu sheegay in Telefishinka Universal uu yahay mid gaar loo yahay oo ka madax banaan dowlada balse saxaafad ahaan ay hoos tagaan wasaarada warfaafinta.
2-dii bishan Oktoobar ayay ahayd markii ay ciidanka nabad sugida xireen Cabdulaahi Xersi Kulmiye iyo Cawil Daahir Salaad kadib markii uu Telefishinku baahiyay barnaamij Dood wadaag oo ka xanaajiyay dowlada.