|

Xafiiska Samofalka Madaxtooyada iyo hay’adda Islamic Relief oo deeq raashin ah u qaybiyay danyarta xaafaddaha Hargeysa qaarkood

Hargeysa 4, August 2012 (SDN)- Masuuliyiinta xafiiska samafalka Madaxtooyada iyo hay’adda samaflka ee Islamic Relief xafiiskooda Hargeysa, ayaa maanta si wadajir ah deeq raashin ah u gaadhsiiyey qaybo ka tirsan dadweynaha danyarta ah ee ku nool xaafadda degmooyinka caasimadda qaarkood.

Deeqdan raashinka ah oo isugu jirtay noocyada raashinka ee ay ka mid yahiin Bariis, Daqiiq iyo Sonkor ayaa waxaa la gaadhsiiyey xaafado ka tirsan degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax oo loogu qaybiyey Beerta Xorriyadda, halka sidoo kalena deeqdan ay ka faa’iidaysteen dadweynaha danyarta ah ee degan degmada Ibraahin Koodbuur, kuwaasoo loogu qaybiyey xerada Gannad.

Marwo Aamina Maxamuud Diiriye Agaasimaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyada oo ka qayb qaadanaysay bixinta raashinkaasi oo saxaafadda kula hadlaysay goobaha lagu qaybiyey deeqdaasi raashinka ah ayaa si weyn ugu mahadnaqday hay’adda samafalka ah ee Islamic Relief oo ku deeqday raashinka, waxayna Agaasimuhu ka codsatay hay’adaha Kheyriyada ah inay waxii awoodooda ah  taakulo ugu sameeyaan dadweynaha ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan xeebta Galbeed ee Somaliland iyo meelo ka mid ah gobolka Saaxil.

Mr Daa’uud Xasan Maxamed oo ka socday Hay’adda Islamic Relief oo isna ka hadlay raashin qaybintani ayaa sheegay in qorshaha ay ugu jirto in ugu yaraan 2800 Qoys  gaar ahaan kuwa danyarta ah ee ay agoomuhu ugu horeeyaan ay maalmahan soo socda gaadhsiiyaan raashin caawimo ah.

Oday Maxamed Xasan Cabdi oo ku hadlayey magaca odayaasha xaafadda Gannad ayaa uga mahadceliyey Xukuumadda iyo Hay’adda Islamic Relief dadaalkooda ku aaddan gargaarka raashin ee ay ku soo beegeen bishan barakaysan ee Ramadaan.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed