Xafiiska Samafalka u qaabilsan madaxtooyada Somaliland oo qaabilay wefdi ka socda Qadar oo dalka Gargaar keenay
Hargeysa Mar 01,2012(SDN)-Agaasimaha Xafiiska Samo falka Madaxtooyada iyo Mas’uuliyiin ka tirsan hay’ada African Relief Community ayaa Maanta dalka ku soo dhaweeyay wefti ka tirsan dawlada Qadar oo Gargaar u sida dadka danyarta ah .
Weftigan oo ka kooban Laba iyo Toban ruux kana soo degay gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport waxa ay sidaan gargaar isugu jira Raashin iyo daawooyin loogu talo galay Shan goobood oo ka tirsan Gobolada Maroodi jeex iyo Gebilay.
Hogaamiyaha weftigan Xamad Al Shahwaani ayaa mahadnaq u soo jeediyay Mas’uuliyiinta Xafiiska Samo falka Madaxtooyada iyo hay’ada African Relief Community ee sida farxada leh ugu soo dhaweeyay caasimada Somaliland ee Hargaysa .
Agaasimaha Xafiiska Samo falka Madaxtooyada Aamina Maxamud Diiriye ayaa dhinaceeda waxay ku amaantay dawlada Qadar kaalmadan ay u soo fidiyeen dadka walaalahooda ah ee ku nool dalka Somaliland waxaanay intaas ku dartay inaanay deeqdani noqon tii u danbaysay ee ay soo gaadhsiiyaan.
Sidoo kale Mas’uul sare oo u hadlayay hay’ada African Relief Community ayaa balan qaaday inay deeqdan gaadhsiin doonaan goobaha loo qorsheeyay.
SDN-Hargeysa