|

Xafiiska Samafalka Madaxtooyada oo laamo ka furtay Gobolada dalka

Hargeysa Dec 26,2011(qurbejoog.com)-Xafiiska Madaxtooyada Somaliland ayaa maanta shaacisay masuuliyiin la sheegay in ay ka hawlgalayaan gobolada dalka.

Sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed maanta la shaaciyay oo ka soo baxay xafiiska Samafalka madaxtooyada Somaliland oo sidan u qoraa;-

“Xafiiska Sama-falka Madaxtooyada JSL , waxa uu maanta soo saaray Magacaabida Masuuliyiin u Meteli doona Gobolada dalka oo wakiil uga noqda hawlaha Sama-falka ee xafiisku u qaabilsan yahay qaranka.

Maareeyaha Sama-falka Madaxtooyadu:

Markay Aragtay: Baahiyaha lagama maarmaanka ah ee loo
qabo in la helo qof uga wakiil noqda
Xafiiska Sama-falka Gobolada Dalka.

Markay Aragtay: Baahida ka jirta dhanka xidhiidhka Dadka Tabaalaysan ee Xafiisku wakiilka ka yahay

Markay aragtay: In ay lagama maarmaan tahay in la helo Qof metela xafiiska oo joogto ku noqda Gobolkasta si dadku u helaan cid ay u soo Gudbiyaan Kolba halka xaalkoodu maraayo.

Waxay Go’aansatay:-

In Magool Saalax Xaaji Xasan laga Bilaabo taariikhda 25/12/2011 maanta ay ahaato isu-duwaha Gobolka Sanaag
In Ayaan Cali Cumar laga Bilaabo taariikhda 25/12/2011 maanta ay ahaato isu-duwaha Gobolka Awdal
In Mustafe Maxamuud Xaaji Cabsiiye laga Bilaabo taariikhda 25/12/2011 maanta uu ahaato isu-duwaha Gobolka Gabiley
In Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye laga Bilaabo taariikhda 25/12/2011 maanta uu ahaato isu-duwaha Gobolka Togdheer.
In Xamdi Axmed Saalax laga Bilaabo taariikhda 25/12/2011 maanta ay ahaato isu-duwaha Gobolka Sool
In Caasha Xuseen Faarax laga Bilaabo taariikhda 25/12/2011 maanta ay ahaato isu-duwaha Gobolka Saaxil.”

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed