|

“Xafiiska Hanti-dhawrka iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta waxay baadhis ku soo gaba gabeeyay 19 Wasaaradood iyo saddex hay’adood, 19 Wasaaradahaas mid aanu Musuq Maasuq ka Jirin Malaha” Xeer ilaaliyaha Somalia

Muqdisho 15.Dec 2014 (SDN/QJ)- Xeer Ilaaliyaha ee Somaaliya Dr. Axmed Cali Dahir iyo Hanti dhowrka guud Dr Nuur Faarax ayaa Golaha Baarlamaanka Somalia Waxa uu uga Jawaabay Su’aalo ku wajahan eedo Musuq Maasuq iyo Wax is daba marin oo Sababay Mooshin in lagu rido Xukuumadii Cabdi weli.

Su’aalahan la weydiiyay Xeer-ilaaliyaha iyo Hanti-dhawrka ayaa kuwo ka dhashay markii amar si wada jir ah uga soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha iyo Hanti-dhawrka guud oo amraysay in Wasiirada aanay dalka ka bixi karin ilaa ay xilka ka wareejinayaan, ayaa xildhibaanada qaar ay ku tilmaameen mid sharci daro ah.

Xildhibaanada qaar oo waydiinta Su’aalahooda ay ku kala aragti duwanaa ayaa Mudanayaal dhawr ah waxa ay sheegeen inay muhiim tahay inuu yimaado la xisaabtan dhab ah, isl- markaana dalka Soomaaliya uu ragaadiyay Musuq maasuq.

Dr. Axmed Cali Dahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka ayaa sheegay in ilaa 19 Wasaaradood iyo saddex hay’adood ay ku heleen Musuq-maasuq baahsan, isla-markaana ay tahay WasaaradahaasI kuwo aan Musuq-maasuq ka maarmayn.

“Xafiiska Hanti-dhawrka iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta waxay baadhis ku soo gaba gabeeyay 19 Wasaaradood iyo saddex hay’adood, waxa hadhay sideed Wasaaradood, 19 Wasaaradahaas mid aan ku sugnaan ama aanay ka jirin haba yaraatee Musuq-maasuq baahay, kuwaas oo dhamaystiran ayaa ku haynaa Musuq maasuqooda oo ay ugu weyn yihiin ku takri fal hantiyadeed iyo mid awoodeed”ayuu yidhi Xeer Ilaaliyaha Guud.

Sidoo kale Xeer -ilaaliyaha ayaa sheegay in hadii loo baahan-yahay magacyadooda uu diyaar u yahay in uu soo gudbiyay, waxaana uu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Xildhibaanada oo ahaa inuu raali gelin ka bixiyo warqadii Xafiiskiisa ka soo baxday, isaga oo xusay in hawsha uu u xil saaran yahay oo ah ka taba tag, ka hortagid iyo dhamaystir inta Maxkamad arrintan go’aan ka gaadhayso aanu wax raali gelin ah ka bixin karin.

Sidoo kale Hanti-dhawrka guud ayaa sheegay in Soomaaliya ay heerka ugu hooseysa ka gashay dalalka ugu Musuq-maasuqa badan, isla markaana Xafiiskooda uu yahay mid ka madax-banaan Siyaasaddaha Dalka Somaliya ka jira, waxaanu cadeeyay in hawsha loo xilsaaray ay sidii loogu tallo-galay uga soo bixi doonaan, iyada oo daacad ku jirto.

Maanta ayaa la filayaa inay doodu sii socoto, inta laga soo gaba gabaynayo, waxaana la filayaa inay noqoto mid Xeer-Ilaaliyaha iyo Hanti-dhawrka Guud ay Xildhibaanada sSu’aalo dheeraad ah ku weydiiyaan.

 

Comments are closed