|

“Xadhigaad qabsataaba kuu go’ ayuun baan maqli jiray Allaylehee ina Biixi ayaa xadhiguu qabsadayba u go’ ay “ Cali Guray

Hargaysa  25,March,2016(SDN/QJ):- Guddoomiyaha 3-aad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Guray, ayaa soo bandhigay ficilada uu samaynayo Muuse Biixi cabdi, haddii loo doorto hogaaminta dalka Somaliland, isla markaana wuxuu ka digay in shacabka reer Somaliland ay codsiiyaan murashaxa kulmiye oo uu ku tilmaamay qof aan u qalmin hoggaminta shacabka reer Somaliland.

Cali GuraySidaa wuxuu ku sheeegay qoraal uu ku baahiyey baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee Face-buugiisa oo aanu ka soo xiganay qoraalkan, waxaanu u dhignaa sidan:- “Xadhigaad qabsataaba kuu go’ ayuun baan maqli jiray Allaylehee ina Biixi ayaa xadhiguu qabsadayba u go’ ay. Musharaxnimada maxlalka ah ee boqolka godobood gadaanka u sudhan yihiin, siduu ku soo gaadhay waynu ogayn. Wada hadalka uu sheegayo ma shantan ayaa mucaaridka la galay ama kula jira. Haddii ay Guddi yihiin yaa magacaabay gudida?. Shalay Ilmadeeradii uu sheegayay wada hadalada kuma jiraan buu inoo sheegay saw maaha?.

 

Saldaladda Subeer Awal burburi buu is lahaa, kursi uu doonayo awgii. Wixii ka raacay waynu ognahaym sidaana kumay dhamaan.

UCID-na ha la ii burburiyo ta ka raacda wuu qoomamayn doonaa. Afeef hore iyo adkaysi dambe saw in mid uun uu yeesho maaha. Anigu waxan is leeyahay ummaddani kamay gelin Ilaahay dembi ay ku mutaysatay in Muuse Biixi Cabdi innuu noqdo Madaxwayne

 

Ninka maanta koofiyad cas dadkiisa u adeegsanaya si uu baqdin iyo argagixin ugu rido hadii uu Madaxwayne noqdo maxaa LAGA fili karaa Muuse Biixi een ahayn in sidii Fircoon uu yidhaa ” ANAA RABIKUMUL ACLAA.”

Dhacdadan ugub ee lagu mijo xaabinayay Suldanadda guunka ah ee Subeer Awal ee fashilmay waxay saamayn wayn ku yeelan kartaa saaxadda siyaasadda iyo tartanka xisbiyada siyaasadda taas oo xisbiga Kulmiye iyo musharixiisa Muuse Biixi ay lumin doonaan taageeradii ay dhinaca beeshan ku haysteen sababta oo ah waxa hubaal ah inay si toosa ugu lug lahaayeen Shirqoolka XUMO TALIS ee fashilmay oo si wayn uga cadhaysiiyay dhamaan hogaamiye dhaqameedka, waxgaradka, dhalinyarada, iyo dhamaan dadka ka soo jeeda beelaha Subeer Awal rag iyo dumarba. Lakiin waxay arintu ku xidhnaan doonta hadba sida ay ugu heelanaadaan xisbiyada mucaaridku gaar ahaan xisbiga UCID oo wax badan ku taamayay in mar uun ku guulaysto in uu noqdo xisbiga ka taliya Somaliland.

Hadiise xisbiga UCID uu lumiyo fursaddan dahabiga ah waa hubaal xisbiga hamuunta badan u qaba guusha doorashada ee WADDANI aanu isagu lumin doonin fursadda u dagatay taas oo Musharaxa WADDANI gaadhsiin karta inu hankiisa Madaxwayne xaqiijin karo.

Hadii ay sidaa u dhacdo UCID waxad ka eegtaa Somaliland iyo halkii lixdankii ee la yidhi QARANKII DIIDAY QARANIMADA inu noqdo xisbigii diiday inu noqdo Xisbul xaakimka

Comments are closed