Xadhiga Kalash, Xaawaysiga Baashe, Xaragadda Sharcidarrada, Xafta Xirsi, Xogta Buuhoodle, Xulafadda Damul Jadiid Iyo Xuurtaynta Taladda
Hargeysa 10.Feb 2015 (SDN/QJ)- Cismaan Xuseen Gurxan oo ku magac dheer Kalash, kana mid ah golaha dhexe ee Xisbiga Waddani ayaa shalay xabsiga loo taxaabay , isla markaana waxa lagu xidhay xarunta dambi baadhista magaalada Hargeysa.
Inkasta oo nidaam ahaan iyo sharci ahaanba uu jiro dariiq loo maro xadhiga qofka aadamiga ah, haddana siday tibaaxeen xogaha xadhiga muwaadinkan la xidhiidhaa, waxa la sheegay in loo maray qaab baal marsan xeerarka dalka. Warku wuxuu intaa ku daray, in Cismaan Kalash shalay la taxaabay kadib markii uu sidaa dalbaday gudoomiye xigeenka golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax.
Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi Xamarje oo ka tirsan hogaanka sare ee xisbiga Waddani ayaa cambaareeyay xadhigaa lagula kacay Cismaan Kalash, isla markaana wuxuu ugu baaqay xukuumadda in la sii daayo. Mar uu arrintaa kala hadlay qaar warbaahinta ka tirsana wuxuu yidhi; “waxa xidhan xubin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga waddani. Waxa uu qoray qoraal uu kaga hadlayay xaaladaha adag ee ka taagan goboladda bari ee Somaliland, waxaana xidhay Gudoomiye xigeenka wakiiladda Baashe Maxamed Faarax. Markii aan Baashe Maxamed Faarax la hadlayna wuxuu igu yidhi; waxa igu soo diray Wasiirka Caafimaadka Xaglatoosiye, sidaasna waan u xidhay. Markaa waxaanu soo jeedinaynaa in degdeg loo sii daayo ninkaa, haddii kale arrintani waxay meel ka dhac ku tahay xukuumadda. Wasiirka arrimaha gudaha lamaanu hadlin, laakiin dembi baadhistu waxay noo sheegeen iyana in Baashe Maxamed Faarax (gudoomiye xigeenka wakiiladda) soo xidhay”.
Masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga waddani ayaa iyana sidaas oo kale u cambaareeyay xadhigaa,isla markaana ku baaqay in xorriyadiisa loo soo celiyo.
Duullaanka Xulafadda lidka ku ah Wasiirka Caafimaadka
Inkastoo wararku tibaaxeen inuu u xidhan yahay gudoomiye xigeenka wakiiladda Baashe, haddana, siday tibaaxeen xogo uu wargeyska Ogaal kahelay illo lagu kalsoon yahay, xadhiga Cismaan Kalash waxa qayb ka ah madaxtooyada oo ay xoguhu tibaaxeen, inay kula socdaan Md. Baashe Maxamed Faarax, isla markaana waxa isa soo taraya khilaaf xoog leh oo la sheegay inuu u dhexeeyo wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali iyo Wasiirka Caafimaadka Xaglatoosiye oo loo arko siyaasi wax badan ka qabtay deegaanadda gobolka Sool, intii uu Wasiirka ka ahaa Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo. Hase yeeshee, siday warbaahinta soamliland qaarkood hore u faafiyeen, dhinacyo kalena muujiyeen, waxa bilawday duullaan adag oo siyaasadeed oo la doonayo in lagu khaarajiyo Wasiir Xaglatoosiye, kaasoo ay shukaanta u hayaan siyaasiyiin ka mid ah golayaasha qaranka oo ay hayb wadaagaan, kuwaasoo intii ay talada ku jireen la tilmaamo in aanay ku mashquulin wax u qabashada deegaanadooda, balse ay u taagan yihiin oo keliya maslaxadooda. Xoguhu waxay intaa ku dareen, in xubnahaa ay ugu horeeyaan Gudoomiye Xigeenka Wakiiladda Baashe, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif iyo xubno kale, isla markaana Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan oo ay isku xidhan yihiin xubnahaa, ayaa xogo saxaafada qaar faafisay iftiimiyeen inuu shukaanta u hayo xil ka tuurista Xaglatoosiye, xadhiga Cismaan Kalashna qayb ka yahay duullaanka. Wargeyska Yool ayaa shalay faafiyay, in wasiirka Madaxtooyadu habeenkii Axadda ee todobaadkan uu kulan qarsoodiya kula yeeshay magaaladda Berbera, xubno wefti ah oo looga yeedhay Buuhoodle, kuwaasoo isugu jiray odayaal iyo nin siyaasi ah oo ka mid ah xubnaha ku magacaaban xilalka kooxda khaatumo, kaasoo wargeysku sheegay in lagu magacaabo Yaasiin Axmed Sulub, kooxdana doonayso in lagu bedelo wasiir Xaglatoosiye.
Kulankaa oo dhacay xilli habeenimo ah kadib, xubnahasi waxay ku laabteen deegaankii ay ka yimaadeen. xubnahaa waxa qasdigooda lagu sheegay, mid duulimaad ku ah Wasiir Xaglatoosiye, labada dhinacna isla ogaayeen. Dhanka kale qaybo badan oo ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka iyo qaybaha bulshada Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa ka digay weerarka siyaasiyiin deegaanadaa ka soo jeedaa ku hayaan Wasiir Xaglatoosiye, oo ay ku tilmaameen masuul intuu xilka hayay wax qabad ka muujiyay deegaanadaa oo dalka intiisa kale dib uga dhacsan.
Xogahaa kala duwan ka sokow ma jiraan, warar madax banaan oo si toos ah uga soo baxay dhinacyadaa dawlada ka wada tirsan ee haatan uu soo if baxayo khilaafkoodu.
Doodda Xubnihii Buuhoodle
Xubnihii ka yimi Buuhoodle ee la sheegay inay Berbera kula kulmeen Wasiirka Madaxtooyada Xirsi, oo dib ugu laabtay Buuhoodle ayaa ka hadlay socodkoodii. xubnahaa oo hore Warbaahintu u faafisay inay u iman doonaan Hargaysa dacwad ka dhan Wasiirka Caafimaadka, balse dib ugu laabtay Magaalada Buuhoodle kadib kulankaa Berbera,
waxay sheegeen in nuxurka socdaalkoodu uu salka ku hayay sidii ay nabad uga aslaaxin lahaayeen beelaha deegaanada qorulugud iyo buuhoodle. waxay ku doodeen inay soo afjareen wax ay ugu yeedheen mashruuc ay ku magacaabeen, mid dad dano gaar ah lihi ay ku maxaafsadaan.
Ganacsade Cabdirisaaq Cismaan Maxamed “ Dhego Fiiq” oo hogaaminayay Kooxdan oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi; “Nin aan Colaadda wax ka tari jirini, nabada wax ka weydiin mayno, nin NGO ku soo qaatay oo mashruuc ka dhiganaya dadkaas walaalaha ah ee wada dhashay ee deriska ah ee Naftooda dilaya, inaanu taas soo afjaro oo mashruucii meesha ka baxo oo NGO meesha ka baxo ayaanu u baxnay. Anagu Mansab iyo manfac toona maanu doonan isla markaana maanu lahayn Xil na siiya, waanad ka war haysaan in aannaan ahayn niman dhaqaale raadsaday, keliya hawshaas nabada ayaanu u soconay”.
Maxamed X. Cabdi Muus ayaa isna dhankiisa ka sheegay in bulshadii ay la Kulmeen ay ahaayeen kuwo ay nabadu ka go’an tahay “Dadkaas aanu walaalaha nahay sidii aanu u midoobi lahayn ee aynu dad walaalo ah u noqon lahayn ayaanu u tagnay. waxaynu ku khasbanahay inaynu heshiino iyaga hadii aanu u tagnay Salaadiintoodii iyo waxgaradkooduba waxay diyaar u yihiin nabad waarta. Xukuumada waanu u gudubnay waxay noo sheegeen in boqolkiiba laba boqol ay diyaar u tahay nabada iyo wax kasta oo ay ku kacayso iyo qiimo kasta oo ay tahayba, inaguna hore ayaynu nabad u qaadanay, anaguna waxaanu ahayn gudi farsamo, waxaanu wadnaa warkii dhinaca aanu u tagnay waxaanu u gaynaynaa Golaha odayaasha iyo garaadada si ay go’aanka iyo xaajada iyagu u gooyaan”.
Gunaanad
Guud ahaan marka laysku darro xogahaa kala duwan ee mawduucan ku saabsan, waxa la rumaynayaa, in xidhiidhka madaxtooyada iyo Xaglatoosiye haatan in aanuu fiicnayn, isla markaana uu jiro qoonsimaad. Waxa kale oo falanqeeyayaasha siyaasadu tilmaamaan, in Xaglatoosiye yahay siyaasi xor ah oo dabaqay hannaan siyaasadeed oo soo jiidista dadka deegaanada bari ah.”Xaglatoosiye waa siyaasi wuxuu doonayaa cad yihiin, balse waxa muduci ku ah qaar aan la fahmayn waxay doonayaan. Xadhiga Cismaan kalashna wuxuu tusaale u yahay, sharcidarrada lagu dhaqmayo oo Somaliland ka dhigtay, dal qofka awoodda hayaa siduu doono yeelo, qofkuu doono xidho”