|

Xadhiga Ganacsade Oomaar oo soo shaac bixisay in Sirdoonka Jabuuti Dhegeystaan Telephonada Somaliland

Jabuuti Nov 25,2013(SDN)-Dawlada Jabuuti ayaa xabsiga dhigtay mid ka mida ganacsatada ugu waaweyn Somaliland iyo Jabuuti ganacsade Jaamaca Oomaar Seed oo xarigiisa loo aaneynayo in uu xiriir la lahaa Ganacsade Cabdiraxmaan Boore.

Sirdoonka Jabuuti ayaa in muda ahba laga warhayay basaasida isgaarsiinta kala duwan ee Somaliland ka dib kolkii shirkadaha isgaarsiintu dalkaas ka dhigteen Xarumo laga hago qalabkooda isgaarsiinta.

Waxa ay Dawlada Jabuuti si toos ah gacanta ugu dhigtay Isgaarsiinta Somailand ka dib kolkii Somcable loo garbo duubay guud ahaan Isgaarsiinta dalka.

Xariga Ganacsade Oomaar ayaa yimi ka dib kolkii ay xukuumada Jabuuti ka warheshay xiriir ganacsi oo dhexmaray shirkada Oomaar Trading company iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore.

Sirdoonka Jabuuti ayaa madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle hordhigay xog ay ka ururiyeen ganacsade Jaamac Oomaar iyo Ganacsadaha deyrada ka ah Jabuuti ee Ina Boore.

Si kastaba ha ahaatee in dal aanu ku aamini kareyn Isgaarsiintiisa dal kale ayaa ay tani muujineysaa,waxaana cajiib ah in qaar ka mida ashkhaastii u ololeyneysay Somcable ay haatan iyagu ku dheceen God ay qodistiisa gacan weyn ka geysteen.

SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed