Xadhagii “Ufo “: Doorkii Eng Faysal Iyo Xidhiidhki Gen Gaani-Taariikh Sugan (( Qormadii Labaad
Waxaan qormadan kooban ugu gogol-xaadhayaa isbarshadii iyo isdhexgalkii Eng Faysal Cali Waraabe iyo Generaal Maxamed Xaashi Gaani. Eng Faysal wuxuu ku dhashay Hargeisa, 1948. M.SC Engineering wuxuu kasoo qaatay St. Petersburg , Russia, 1973. Markii uu dalka kusoo noqday wuxuu unkay shirkad yar oo la odhan jiray “Ayaan Construction Company “ oo jirtay dhawr bilood .
Markii danbe wuxuu shaqo ka helay Wasaaradda Hawlaha Guud ,waxaana loo beddelay Goboladda Bay & Bakool.. Eng Faysal waxa loo taxaabay jeelka Muqdishu 1979, ayadoo lagu eedeeyay arrimo la xidhiida maamul-xumo & wax-iswaydaarin.Saaxiibkii General Maxamed Xaashi Gaani wuxuu ku dhashay Duusa Mareeb,Galmudug, 1943. Waxbarashadiisa ciidanka wuxuu soo qaatay Military Academy of Modena,Italy.Wuxuu tababaro kala duwan u tegay Russia. Wuxuu kasoo shaqeeyay Goboladda Bay & Bakool, halkaaso ay isku barteen Eng Faysal Cali Waraabe . Waxa maydka General Gani laga helay Hudheel ku yaalla Imbagati, Kenya , 18th Oct,2004, asaga oo saddex cisho sii mootana.
General Gaani iyo Eng Faysal waxa ka dhaxayn jiray kaftan u badan faan-qabiil iyo anigaa kaa laandheer. Gen Gaani wuxuu sheegan jiray inuu kasoo jeedo tafiirtii NUUR IBNA MUJAAHID “Sahib Al-Fath AL-Thani, oo ah “Master of the Second Conquest of Harar “ NUUR IBNA MUJAHID wuxuu guursaday Marwadii uu ka dhintay Imam Ahmad ibn Ibrahim Al-Ghazi “ Axmed Guray “. Qabiilka Mareexaan Sade waxay sheegtaan inuu Imaam Axmed Guray iyo NUUR IBNA MUJAAHID ay kasoo jeedeen beesha Mareexaan.
Waxa inta u dheer , adeerkii Mohamed Siyaad Barre oo ah Aabaha kacaanka Soomaliyeed. Engineer Faysal Cali Waraabe wuxuu kaftanka Gaani kaga fal-celin jiray inuu asaguna kasoo jeedo Duriyadda Reer Sheikh Isxaaq “ Ahlul-Bayt ”, kuna abtirsado Saldanada Garxajis ee Guuleed Suldaan.Waxa kale uu ku tiraabi jiray in Reer Abtigii Nuux Ismail leeyaheen Daaraha ugu dhaadheer Xamar & Hargeisa iyo Maraakiibta ugu waawayn ee u kala gooshta Cadan & Berbera. Eng Faysal iyo General Gaani waxa dhex-maray sheekooyin u dhigma kuwii Abnawaas iyoBeenowaas. Waxa kaliftay ayagoo joogay magaaloyin aan lahayn maaweelo iyo madadaalo.
Siyaad Barre wuxuu General Gaani u magacaabay Taliyaha Guud ee Gobolada Waqooyi & Taliska Qabta 26 l.Waxaa awood buuxda u siiyay xasuuqa “Reer Sheikh Isxaaq “. General Gaani markii uu Hargeisa yimid 1981, wuxuu la kulmay dhaq-dhaqaaq xoogan oo ay hormood ka ahaayeen Samo-falayaal “ Volunteers” la baxay UFO. Waxay taageero ka haysteen ganacsatada, odayaasha, dhalinyaradda iyo haweenka Reer Hargeisa.General Gaani wuxuu u arkay kacdoon ku lidi ah jiritaanka taliska Mohamed Siyaad Barre.Wuxuu go’aansaday inuu marka horela kulmo xubnaha fir-fircoon ee UFO ,una sheego inay kacaanka la shaqeeyaan. Si uu qorshahaas u fuliyo , wuxuu u baahday cid isku xidha asaga iyo “UFO”. Wuxuu xasuustay saaxiibkii Eng Faysal Cali Waraabe oo ku faani jiray inuuAmiir ka-yahay magaalada Hargeisa.. Markii uu waraystay, waxa loo sheegay in Eng Faysal ku xidhanyahay Xamar , aabahii Cali Waraabena ku maqanyahay Muqdishu .General Gaani wuxuu u duulay Muqdishu , waxaanu ku guulaystay inuu soo daayo Eng Faysal, Hargeisana keeno.
LA SOCO :Qoramada danbe waxaan kusoo qaadan doona hawlahii loo egmaday Eng Faysal; shirku la galay UFO ee ka dhacay Guriga Axmed Xussein Caabi, Xaafada Shidka, Dugsiga Sheikh Bashiir, August, 1980 ( Ramadaan); Labadii basaas: Adan Waali & Cabdi Laangadhi.
Drs Hoodo Yusuf, London, UK.