Xaddiga Lacagta Dawladdu Ugu Talo-gashay Warbaahinta Xuska 18 May Iyo Wasiir Caddaani Qadarka uu ka Lunsaday
Hargeysa, 13 May, 2016 (SDN/QJ) :– Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani ayaa lagu soo waramayaa in uu account ama xisaab u gaar ah ku shubtay lacag dhan $21,000, taasoo qayb ka ahayd lacaga dhan in ka badan Konton Kon Oo Dollar oo ay xukuumadda Somaliland ugu talo gashay munaasibada 18-ka May in la siiyo Fanaaniinta, Wariyayaasha si loogu sameeyo warar, warbixino, iyo suugaan kala duwan si loogu muuneeyo xuska Rubuc Qarniga madax bannaanida Somaliland.
Wasiir Caddaani waxa uu lacagtaas loo dhiibay ka gaadhsiiyey Fanaaniinta Qaran ee wasaaradda Hoos yimaada $900 (Sagaal Boqol Oo Dollar ) oo kali ah, halka uu qaar ka mid ah Fanaaniinta kooxda Xiddigaha Geeska ka siiyey $2000 (Laba Kun) oo dollar, arrintan oo Gef ku ah fanaaniinta Qaranka ee culayska ugu badani ku dhaco weynaynta xuska 18-ka May.
Wasiir Caddaani iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ayaa la sheegayaa sanadkan inay soo jeediyeen inaanay Fanaaniinta Qaranku dhigin Riwaayaddii sanadlaha ahayd, taasoo ay sheegeen inay Fanaaniintu sannad kasta ku soo bandhigeen qaladaadka Xukuumadda.
Saxaafadda Xukuumadda gaar ahaan Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka oo diyaarinayey barnaaijyo loogu talogalay xuska 18-ka May ayaa cadho ka amuujiyey kadib markii uu Caddaani damcay in uu qadhiidh yar ka siiyo lacagtii loogu soso talogalay, waxaanay inta badan suxufiyiintii ku tallaabsadeen inay joojiyaan samayntii barnaamijyadaasi.
Dhinaca kale, lacag lagu qiyaasay $16000 (Lix Iyo Toban Kun) oo bil walba ka soo hadha xisaabta Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu soo waramayaa Wasiir Cadaani in uu Leexsaday, iyadoo duruufo kala duwani wasaaraddii la soo darseen.
Wasiir Cadaani waxa uu sidoo kale Albaabada u laabay Telefishankii Qaraanka Somaliland, kaasoo uu ka soo bedelay Maxaddadii “Frequency” uu ka soo gali jiray, waxaana la hadal hayaa in lacagihii Satelite-ka lagu lunsanayo meel dhexe iyada oo Maxaddad hoose oo jaban oo tayo xun ay u guureen si ay lacagtii hore ugu lunsadaan.
Wasiir Caddaani ayaa si uu Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxtooyadda u maaweeliyo Qasriga geeyey Farsamo-yaqaano Dishka u geeya FREQUENCY-GA cusub ee uu u leexiyey Telefihshankii qaranka iyadoo xilligana Xukuumadda ay ku soo beegmayaan munaasibado badan oo loo baahan yahay inay Warbaahinta Dawladdu baahiso balse boqnaha loo gooyey dilaalis yar oo meel dhexe laga saarayo.
Wasiir Cadaani isagoo la daalaa dhacayey baahintii Live-ka ahayd ee Telefishanka Qaranka oo xun ama la la’yahay qalabkii lagu kicin la’aa ayuu haddana albaabada u laabay daawashadii Telefishanka Qaranka, waxaanay wararka qaar sheegayaan in uu habeenadan Telefishanka HCTV ka baryayey inay ku duwaan qaybtooda Caasimada laga daawado, hase yeeshee farsamadaas illaa hadda ay u suurtogali la’dahay Cadaani, waxaanay ku haysaa culays xoog badan, isagoo ka cararaya in ay Madaxtooyaddu ogaato farasmaooyinka uu lacagta ka dhex raadinayo ee ragaadiyey bishii uu joogay Telefishanka Qaranka
Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa amakaag iyo fajac ku dhacay mudadii yarayd ee uu Wasiir Cadaani Wasaaradda Joogay iyadoo ay wasiirka ku dhabawday gabaygii uu Abwaan Cashuur bilowgiiba ku sifeeyey wasiirka iyo hab-dhaqankiisa.
Isku soo duuboo Wasiir Cadaani oo ku Faanay in uu yahay Mulkiile isku filan oo shirkad weyn leh, wuxuu isugu soo biyo shubtay in uu Feento Wasaaraddii Warfaafinta isagoo durtaba baadi goobaya shilimaadkii lagu maarayn jiray warafaafinta.
Xigasho Wargayska Foore