Xabsi lagu Carbiyo Kooxda Alshabaab oo dab qabsaday iyo Toban ka Mid ah Dagaalyahanadooda oo ku Geeriyooday
Buulo-mareer 07.Sep 2013 (SDN)- Ugu yaraan 10-qof oo isugu jira dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, rayid iyo maxaabiis ayaa ku dhintay dab xalay saqdii dhexe ka kacay xabsi ay maamusho Al-shabaab oo ku yaala deegaanka Buulo-mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Xabsigan ayaa la sheegay inay ku jireen maxaabiis u xirxiran Al-shabaab iyadoo 3-ruux oo ka mid ah maxaabiista ay dhinteen, sidoo kalena waxaa ku dhintay halkaas 5 ka mid ah ilaaladii xabsiga oo Al-shabaab ahaa iyo 2-oqf oo rayid ah.
Goobjoogayaal ku sugan Deegaanka Buulo-mareer ayaa sheegay in dabku uu ahaa mid xoogan oo ilaa sakaay 8:00 aroornimo soo gaaray, inkastoo ugu dambeyn lagu guuleystay in la damiyo.
Al-shabaab ayaan weli ka hadlin xabsiga gubtay, iyadoo sidoo kale aan la ogeyn waxa sababay dabka gubay xabsiga, iyadoo maxaabiistii ku jiray qaar ka mid ah la sheegay inay u suurogashay inay baxsadaan markii uu dabku xoogeystay.
Buulo-mareer ayaa wuxuu ka mid yahay deegaanada ay kooxda Al-shabaab ka taliso, halkaasoo ay si aad ah ugu xoogan yihiin, iyadoo maanta ay ka duwanayd xaalada deegaanka sidii hore.
Dhanka kale, xiisado dagaal oo u dhexeeya kooxda Al-shabaab ayaa ka jira deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo laga baqdin qabo in dagaalo ay dhexmaraan kooxdan.
Kooxda Al-shabaab ayaa tan iyo markiii deegaano badan oo Koonfurta dalka Somalia kaga sugnaayeen laga saaray waxaa soo kordhayay colaadaha u dhexeeya, kuwaasoo sababay in Sh. Xasan Daahir oo u xiran DF uu habeen kasoo baxsado degmada Baraawe.
Sidoo kale waxaa dagaal degmadaas ka dhacay lagu dilay laba mas’uul oo qiimo weyn ugu fadhiyay Al-shabaab, kuwaasoo midkood uu ka mid ahaa hogaamiyeyaal Al-shabaab ah oo Mareykanku uu dul-dhigay malaayiin Dollar.
Buulo-mareer
Qurbejoog.com