Xabad Joojin Maanta la filayo inay ka dhaqan gasho Koonfur Galbeed ee Dalka Suuriya
Dimishiq 09. July 2017 (SDN/QJ):- Xabad joojin ayaa la filayaa in ay ka hirgasho koonfurta galbeed ee dalka Suuriya maanta oo Axada ah, iyadoo ay si rasmi ah u aqbaleen dhaqan galkeeda xoogaga mucaaridka ee dalkaasi iyo xukuumadu si dadka u baahan gargaarka loo gaadhsiiyo nabadna u helaan.
Xabad joojintan cusub waxa dadaal xoogan u galay hirgalinteeda dawladaha Ruushka,maraykanka iyo xukuumada Urdun oo ka qaadatay kaalinta kaga haboon, taas oo kumanyaal qof oo ka soo barokacay dagaalada Suuriya ka socda ku sugan yihiin gudaha Urdun iyo xero qaxoonti ah oo ku dhaw xuduuda labada dal u dhexaysa.
Geesta kale, madaxda dawladaha hore uga maray dhinaca warshadaha ee G.20 oo shir uga socdo magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ayaa waqtigan mowqif midaysan ka taagan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka dabo dheeraaday ee ka socda dalka Suuriya, iyadoo xoghayaha arrimaha dibad ee maraykanku Mr: Rex Tillerson uu cadeeyeyin in Ruushka ay si wado jir ah uga shaqaynayaan xal u helida dagaalada Suuriya ka socda.
Xabad joojin ayaa la filayaa in ay ka hirgasho koonfurta galbeed ee dalka Suuriya Maanta, iyadoo ay si rasmi ah u aqbaleen dhaqan galkeeda xoogaga mucaaridka ee dalkaasi iyo xukuumadu si dadka u baahan gargaarka loo gaadhsiiyo nabadna u helaan.