Xabaalo Wadareedyo Cusub Oo Laga Helay Deegaanka Mandheera Ee Gobolka Woqoooyi Bari Dalka Kenya DAAWO
Mandheera,7Dec,2015(QJ/SDN)-Shacabka magaalada Mandheera ayay argagax iyo filanwaa ku noqotay Xabaalo wadareedyo cusub oo maalinkii shalay ahaa lagu arkay duleedka magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Dadka maydadkooda laga helay xabaalo wadareedyadan oo isugu jira Rag iyo dumar ayaan la ogayn cidda ka dambaysay xasuuqooda, waxaana kujira dad lagaranayo oo eheladoodu ay maalmo kahor waayeen.
Faysal Cabdi Nuur Isaaq, oo ka mid ah golaha deegaanka ee magaalada Mandheera oo soo arkay xabaalo wadareedyada ayaa BBC u sheegay in ku dhawaad Labaataneeyo ruux ay gaadhayaan dadka uu halkaasi kusoo arkay.
Mudane Faysal Cabdinuur Isaaq, waxa kale oo uu sheegay in dadka uu ku arkay xabaalaha qaarkood la kufsaday ka hor intii aan la dilin, isagoona xusay in dadka la jajabiyay ama la gaagaabiyay ka hor intii aan la xabaalin.
Dhanka kale, xildhibaan Faysal Cabdinuur ayaa sheegay in goobta xabaalo wadareedyadu ay yihiin lagu arkay qaar ka mid ah millatariga dalka Kenya, sidoo kale Faysal ayaa waxa uu sheegay inay hayaan caddaymo ay ku tuhmayaan Millatariga dalka Kenya.
Halkan Hoose Ka Daawo Xabaalo Wadareedyada Laga Helay Deegaanka Mandheera;