|

Xaaska Raysal-wasaaraha Soomaaliya Oo Kenya Loogu Xidhay Rasaas Laga Helay

Nairobi,18Aug,2015(QJ/SDN)-Qaar ka mid ah Warbaahinta Kenya, ayaa shaaciyay shalay in Xaaska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya lagu xidhay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi kadib markii Boorsadii ay wadatay laga helay Rasaas.

 

Joseph Nthenge oo ah Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ee Garoonka Diyaaradaha JKIA, ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta in Sabtidii aynu soo dhaafnay lagu qabtay qaybta baadhitaanka ee Madaarka Diyaaradaha Nairobi, Marwo Caasho Yaasiin Xasan oo uu sheegay in boorsadii ay wadatay laga helay 16 xabo oo Rasaas ah sida uu maanta baahiyey Website-ka (Nairobi News.)

 Gun ammunition

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xaaska Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid lagu sii daayay lacag dammaanad ah, isla markaasna loo ogolaaday iney sii wadato safar ay ugu socotay Waddanka Mareykanka oo la tilmaamay iney kaga qeyb galeyso Shir muhiim ah. Balse, Joseph Nthenge ayaa sheegay in dacwad Maxkamadeed lagu soo oogi doono Marwadaas marka ay Kenya dib ugu soo noqoto.

 

Dhanka Kale howl-wadeen ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya, ayaa ka gaab-saday inuu ka hadlo xadhigaas.

 

Sannadkii 2008 ayey aheyd markii Xildhibaan ka tirsanaa dowladda Soomaaliya laga helay boorsadii uu watay bastoolad xili lagu baadhaayay isla garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, iyadoo xiligaasna Nairobi la iskugu keenay Xubnaha Baarlamaanka iyo Wasiirada Soomaaliya si ay oga qeyb galaan Shirkii Urur gobaleedka IGAD.

 

Sidoo kale, Xukuumaddda Kenya ayaa Sanadihii ugu dambeyay si weyn isaga ilaalineysay diyaaradaha ka taga dhanka Soomaaliya hub lagu sii qariyo, waxayna taasi sababtay in magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya lagu sii baadho diyaaradaha ka imaanayo Somalia ka hor inta ayna gaadhin Garoonka Diyaaradaha Nairobi.

Comments are closed