Xaaska Mid Ka Mid Ah Raggii Ethiopia Ka Qafaalatay Kenya Oo Faahfaahisay Sida Wax U Dhaceen
Nairobi:Feb-06-2014(SDN)-Khadra Ibraahim Qammaan oo ah Xaaska Sulub cabdi Axmed oo ONLF Wakiil uga ahaa Wadahadallo la Doonayey inay Ethiopia iyo ONLF uga Furmaan Magaalada Nairobi, ayaa ka Hadashay Meesha uu ku Dambeeyey Saygeedii.
Marwo Khadra oo u Warramaysay Idaacadda BBC-da, ayaa Afduubka Ninkeeda ku Eedaysay Dawladda Ethiopia oo ay Sheegtay inay Si Xaqdarro ah ninkaas u Qafaalatay.
“Waxa uu iga Baxay isagoo ii sheegay inay cidi casuuntay, markii aan Waayeyna Waxan Ogaaday in la Afduubay waxa la ii sheegay in loo Gudbiyey Ethiopia. oo Maqaaxi Nairobi ku Taalla laga Afduubay.” Ayey Tidhi Marwo Khadra.
Marwada ayaa sheegtay inuu Saygeedu Ahaa nin Halgamaa ah oo aan Cid kale dulmi ka Gelin, waxana ay xustay in Iyada iyo Carruurteedu Murugo badan ka Qabaan Tallaabada Lagu Kaxaystay Seygeeda, waxana ay Tidhi, “Nin masuul ah oo Waddankiisa u Halgamaya ayuu ahaa Saygaygu, wax kale oo uu Galayna ma ay jirin.Carruurtaydii Buufis bay Qaadeen oo way Ogyihiin in Ethiopia Aabahood La Tagtay, aniguna Taas waan Ogahay.”
Afduubka Ninkan iyo Nin kale oo la eedeeyey Dawladda Ethiopia, waxana la Waayey Xilli La Filayey inay Nimankani Ka Qaybgalaan Wada Hadal Magaalada Nairobi uga Furmi lahaa ONLF IYO Ethiopia.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com